Qofkii ugu horreeyey oo cudurka Coronavirus ugu dhintay gudaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in qofkii ugu horreeyey uu cudurka Coronavirus ugu dhintay gudaha dalka Soomaaliya.

Dr. Cabdirisaq Axmed Yuusuf (Jalaludiin), oo xubin ka ah guddiga sare ee xakameynta cudurka Coronavirus ee Soomaaliya, ayaa xaqiijiyey geerida qofkan, oo ku dhintay isbitalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka geeriyooday, oo aan magaciisa la shaacin, ayaa la sheegay in da’diisu ahayd 58 jir, wuxuuna cudurka ku qaaday gudaha dalka Soomaaliya, isaga oo aan dibedda u safrin.

Dawladda Soomaaliya ma shaacin sida ninkan cudurka uu ku qaaday isaga oo aan dalka ka bixin, iyo in suurta-galnimada ah in ninkaasi uu fayraska sii qaadsiiyey dad kale.

Hase yeeshee, tani waxay abuureysaa walaac xooggan oo ku saabsan in dad dhowr ah oo laga yaabo inay qabaan cudurka ay ku sugan yihiin gudaha magaalada Muqdisho.

Markii dowladda Soomaaliya ay kiiskii ugu horreeyey ee Coronavirus ah ee laga diiwaan-geliyo Soomaaliya ay ku dhowaaqday 16-kii March, waxay sheegtay inuu ahaa qof dibedda ka yimid oo lagu celiyey garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wixii markaas ka dambeeyey, waxaa su’aalo ay ka dhasheen halka ay ku dambeeyeen dadkii ninkaas diyaaradda la saarnaa oo ay suurta-gal tahay inuu qaadsiiyey kadibna ay gudaha u galeen magaalada.

Ninka 58 jirka ah ee geeridiisa maanta la xaqiijiyey, ayaa waxaa suurta-gal ah inuu ka mid yahay dad sidaas ku qaaday xanuunka, inkasta oo aysan weli caddeyn.

Soomaaliya ayaa waxaa laga xaqiijiyey 8 kiis oo cudurka Coronavirus ah, waxaana ka bogsooday qof ka mid ah, halka qofkii ugu horreeyey uu u geeriyooday maanta.