Wasaaraddaha ugu muhiimsan ee DF oo maanta bilaa wasiir ah iyo xog cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa noqotay wasaaradii labaad oo kamid ah wasaaradaha ugu waaweyn dowladda federaalka ah ee maanta aan laheyn wasiir kadib markii uu is-casilay Wasiir Abshir Huruuse.

Sidoo kale waxaa horey wasiir la’aan u noqotay wasaaradda amniga, oo kamid ah wasaaradaha ugu muhiimsan ee dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii safiirka dalka Qatar loo magacaabay wasiirkii wasaaradaasi Mr. Doodishe.

Wasaaraddahan oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya ayaa la filayaa in dhawaan uu soo buuxiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxaa sidoo kale soo baxeysa in ra’iisul wasaaraha uu qorsheynayo sameynta isku shaandheyn ballaaran oo xukuumadda ah, waana midday ay muddo bilaa wasiir u tahay wasaaradda amniga, ayay Caasimada Online u sheegeen illo wareedyo si dhow ula socda arrintaan.

Dhawaan ayay aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh uu si adag ula hadlay Golaha Wasiiradda, isagoo saluug ka muujiyay kaalintooda arrimaha la xiriira dhameystirka dastuurka iyo dagaalka Al-Shabaab, si gaar ahna isku dul-taagay arrinta Dastuurka, oo aan weli sidii uu rabay loo dhaqaajin.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan ayaa markaas waxa uu kala doorad-siiyay Golaha Wasiirada inay meel-mariyaan qorshihiisa siyaasadeed ee wax ka bedelka Dastuurka iyo inay banneeyaan kuraasta ay ku fadhiyaan.

Xasan oo aad uga careysnaa Wasiirada Xukuumadda ee aan waxba ka goyn Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin kama dambeys ah siiyay.

Si kastaba, Buuxinta labada wasaaradood ee muhiimka ah ayaa lala sugaya isku shaandheyn ballaaran oo dhawaan ra’iisul wasaaraha uu ku sameyn doono xukuumadda, taasi oo galaafan doonta xubnaha aan weli wax ka goyn qorshaha uu wato madaxweyne Xasan.