Mareykanka oo $5 Milyan ku raadinaya ninka labaad ee ugu sarreeya Al-Shabaab

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa lacag abaal-marin ah oo gaareysa Shan Milyan oo dollar u ballan-qaaday inay siineyso ciddii soo sheegta xog la xiriirta halka uu ku sugan yahay ama far muuqda ninka labaad ee awood ahaan ugu sarreeya kooxda Al-Shabaab.

Ninkan uu Mareykanka dul dhigay madaxiisa 5 Milyan ayaa lagu magacaaba Abuukar Cali Aadan oo ah ku-xigeenka Amiirka Al-Shabaab, waana ninka ku xiga Amiirka kooxda Axmed Cumar Abu Cubeyda.

Abuukar ayaa muddo dhowr sano ah soo ahaa madaxa garabka Jabhadda Al-Shabaab, isaga oo kadib noqday taliyaha milateriga Al-Shabaab, ayada oo ugu dambeyntiina loo dalacsiiyay booska uu hadda hayo ee Ku-xigeenka Amiirka Ururka, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Mareykanka.

Abuukar Cali Aadan ayaa bishii January ee 2018-kii ayay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah, sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa Abuukar ku dartay liiskeeda argagixisada.

Al-Shabaab ayaa lagu tilmaama garabka ugu ballaaran ee ugu hantida badan kooxaha la howl-gala Ururka Al-Qaacida, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Kooxda Al-Shabaab inkasta oo saldhigyadeeda Soomaaliya yihiin ayaa haddana waxay weeraro argagixiso ka fulisa waddamada deriska sida; Kenya iyo Ethiopia.

Mareykanka ayaa horay sidaan oo kale lacag u dul-dhigay hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana ugu dambeeyay oo $ 5 milyan la dul-dhigay Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan Cali Dheere, islamarkaana ka tirsan madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab.

Cali Dheere ayaa ahaa afhayeenka Al-Shabaab tan iyo bishii May ee 2009-kii, sidoo kalena waa hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda.

5-tii Janaayo 2023 dowladda Mareykanka ayaa waxay 10 milyan oo dollar ugu yabooday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sidoo kale 13-kii Janaayo 2023 ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo dollar oo la siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Cabdi Aadan iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii Hotel DusitD2 ee 2019-kii ka dhacay magaalada Nairobi.