24.9 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

Wasiir​ka waxbarasha​da DFS Guraase oo Muqdisho ku bahdilay Gaas (Xog)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxay, ayaa xaqiijinaya in madaxweynaha Punland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas uu dalbaday in uu la shiro Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta Soomaaliya Mudane Ciise Axmed Guraase, balse waxaa shirka iska diiday Wasiir Guraase oo sheegay inuusan dooneyn inuu kulan la qaato Madaxweyne Gaas.

Arrintaan, ayaa dhacday intii lagu guda jiray safarkii uu madaxweyne C/wali ku tagay magaalada Muqdisho, waqtigaasi oo uu ka qeyb-galayey aaskii ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen.

Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas, xilligii uu gaaray Muqdisho, waxaa uu dalbaday inuu kulan gaar ah la qaato dhammaanba wasiirrada ka mid ah dowladda faderaalka ee ka soo jeeda Puntland, balse waxaa kulanka iska diiday inuu ka qeyb-galo wasiirka waxbarashada iyo Barbaarinta Soomaaliya Mudane Ciise Guraas.

Wasiirka waxbarashada DF Ciie Guraase
Wasiirka waxbarashada DF Ciie Guraase

Intaas kaddib madaxweynaha ayaa si gaar ah codsi ugu diray wasiirka balse Wasiir Guraase waa uu ka diiday inuu la kulmo.
Wasiir Guraase, ayaa la sheegay inuu yiri madaxweyne Gaas inusan mudnen inu la kulmo, sida laga soo xigtay xubno Gaas la socday.

“Ma doonayo la kulanka madaxweynaha, sababta oo ah waxaa uu noqdey qof caddaaladda ka fog, waxaana si cad u muuqatay xilligii uu soo magacaabay xukuumaddiisa inay ka muuqatay eex, qabyaalad iyo quursi uu ku suubiyey qeyb kamid ah aasaasayaashii Puntland, mana mudna inaan is aragno, waayo qaabka uu wax ku soo dhisay kanaa i xiga ayaa ka muuqatay” ayuu ugu jawaabay wasiirku xubno uu madaxweynaha u diray si ay isku arkaan.

Gaas, ayaa isku dayayey sida la sheegay inuu wasiirada kasoo jeeda Puntland ee ku jira dowladda ka dhaadhiciyo inay cadkooda ka dhacsaan dowladda Somalia, kana shaqeeya danaha Puntland.

Hadalka xilligaan soo baxay, ayaa ku soo aaday xilli ay jiraan qaar ka mid ah beelaha dagga Puntland oo madaxweynaha ku dhaliilay habka uu wax ku soo dhisay, inkasto madaxweyne Gaas uu sheegay in wadatashi badan uu ku soo magacaabay xukuumaddisa.

Isha: RBC

- Advertisement -

Read more

Local News