Xog: Magacaabista 20 safiir oo ay isku hayaan Bayle iyo xoghayaha joogtada

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf u dhexeeyo Wasiirka arrimaha Dibada Dr Cabdiraxman Ducaale Bayl iyo Xoghayaha joogtada wasaarada Arrimaha Dibada C/llahi Dhool, ayaa soo shaac baxay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Khilaafka uu ka yimid ka gadaal markii labada Mas’uul ay isku fahmi waayeen qaabka loo kala qeybin lahaa 20-Diblumaasiyiin oo iyagu lagu wado in Wasaaradu ay u kala magacawdo Safaaradaha ay Dowlada Federaalka Somalia ku leedahay dalalka caalamka qaarkood.

Mas’uul ka tirsan Wasaarada ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiir Bayle iyo Xoghayaha joogtada ay isku afgaran waayen shaqsiyaad ay doonayeen inay booska ka saran si ay ula yimaadan kuwo kale, hase yeeshee waxa ay taasi dhalisay in Khilaaf banaanka yimid uu ka dhex curto.

Liiska 20-ka Diblumaasiyiin oo ay Mas’uuliyiintaasi isku fahmi la’yihiin ayaa waxaa kamid ah Prof Gaandi oo isagu loo wado Dalka Canada, waxa ayna u muuqaneysaa inuu qarka ka dhici doono, waa haddii aan xal la dhex dhigin Wasiir Bayle iyo Xoghayaha joogtada wasaarada.

Arrintan ayaa waxaa sidoo kale dusha kala socda madaxweyne Xasan Sheekh, oo inta badan xubnaha wax ka wata.

Dhanka kale, Wasaaradu waxa ay wadaa qorsho Safaaradaha la magacaabayo lagu kala qeybin doono 4.5, wallow ay illo wareedyo sheegayaan inay jirto tiro dheeri ah oo ay iyaga ku darsadeen si ay halkaasi uga macaashaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com