KENYA oo dhibaatadii Britain laga soo diiday u weecisay SOMALIA (Warbixin)

Waxa kor u kacay qaadka Muqdisho ka soo gaara Kenya toddobaadyadii la soo dhaafay, tan iyo markii dawladda Ingiriisku ay dhaqan-galisay mamnuuciddii maandooriyaha bishii hore.

Ka hor mamnuucidda, Boqortooyada Ingiriisku waxay ahayd suuqa ugu weyn ee soo dhoofsada qaadka, oo gudaha looga yaqaan miraa.

Xilligan, ganacsatada qaadka Kenyaanka ah waxay inta badan qaadkii u weeciyeen Soomaaliya iyaga oo aad u jabiyay beecii, ayay sheegtay Haboon Sheekh Cali, oo qaadka ku iibisa Isgooyska KM4 ee Muqdisho.

“Ka hor intii aan qaadka laga mamnuucin Ingiriiska, Muqdisho waxa soo gaari jiray inta u dhexeeya 13 illaa iyo 15 diyaaradood oo qaad ah maalintii, laakiin hadda waxa maalin walba yimaada inta u dhexeeya 23 illaa iyo 25 diyaaradood,” ayay tiri. “Taasi waxay sababtay in uu hoos u dhaco sicirkii qaadka, iyada oo hadda halkii marduuf la iibiyo inta u dhexeeysa $5 illaa $10 doollar, halka uu markii hore ka ahaan jiray $15 illaa iyo $20 doollar.”

Diyaarad walba waxay keentaa 80 jawaan oo qaad ah, iyada oo jawaan walba ay ku jiraan 80 marduuf. Taasi waxay la mid tahay in Soomaalidu ay malaayiin doollar maalin walba ku bixiyaan qaadka la keeno dalka, ayay sheegtay Haboon.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdiraxmaan, oo ah dhaqaale yahan bare ka ah Jaamacadda Simad, ayaa sheegay in ay laba-jibbaarantayay saameeyntii dhibaatada uu qaadku ku yeeshay dhaqaalaha Soomaaliya.

Kaliya maaha in qaadku uu hoos u dhigay hantida gaarka ah ee shakhsiyaadka, ee waxa uu sidoo kale dhibaato u geeystay dhaqaalaha dalka guud ahaan sababtoo ah dadka cuna qaadka waxay shaqeeyaan saacado ka yar kuwa aan cunin, taasoo sababtay in uu hoos u dhaco wax-soo-saarkii, ayuu sheegay.

“Tusaale ahaan, haddii u qofku sameeyo $15 maalintii oo uu $10 ku kharash gareeyo qaad, taasi waxay ay dhibaato ku tahay qofka iyo qooyskiisa waayo lacagtaasi waxay ku baxday wax aan manca laheeyn,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

“Sidoo kale waxa uu dhibaato ku yahay dhaqaalaha guud ee dalka marka la fiiriyo in maalin walba qaadka la keeno Soomaaliya, anagana majirto wax alaab ah oo aan u dhoofino dalka laga keeno,” ayuu yiri. “Taa bedelkeeda, lacag kaash ah ayaa dalka ka baxda oo tagta dalka qaadka laga keeno. Marka lacagtaas baxaysa waxa ay dhibaato aad u xun ku tahay dalka Soomaaliya marka la fiiriyo isu dheelitir la’aanta xagga ganacsiga .”

Baaqyo ku aaddan mamnuucidda qaadka

Cabdiraxmaan waxa uu qabaa in qaadka laga mamnuuco Soomaaliya iyo in ay xukuumaddu ku dhiirri-galiso ganacsatada qaadka in ay ka shaqeeyaan sidii ay ku raadsan lahaayeen oo ku bilaabi lahaayeen ganacsiyo cusub.

“Haddii qaadka la joojiyo, lacagta ku baxda dalka ayay kusoo laaban laheeyd dadka qaadka ka ganacsadana ganacsiyo kale ayay abuuran lahaayeen,” ayuu yiri, isaga oo intaa raaciyay “waxaa jira suuqyo kale oo hadda aan laga faa’idaysan oo u baahan in laga faa’idaysto.”

Maal-gashadayaasha xukuumadda iyo kuwa khaaska ah ee hadda ku dhex jira ganacsiga qaadka waa in ay maal-gashadaan dib-u-dhiska iyo dib u soo nooleeynta ganacsiyadii beeraha iyo kalluumeeysiga dalka oo ay gacan ka geeystaan dib-u-bilaabidda doorkii ay Soomaaliya ku laheeyd dhoofinta furuudka macaan iyo cunno-badeedka sida canbaha, mooska iyo loobistarka, ayuu sheegay.

Xukuumadda oo maal-gashi ku sameeysa dhinacyadaas waxa ay abuuri kartaa kumanaan shaqooyin ah iyada oo ayan la socon saameeyntii xumeeyd ee uu watay ganacsiga iyo cunitaanka qaadka, ayuu sheegay.

Dhiniciisa, ayuu caalimka diineed ee Soomaaliga ah Sheekh Mukhtaar Xaaji Axmed waxa uu sheegay in uu taageeri lahaa in qaadka laga mamnuuco dalka oo dhan sababtoo ah isticmaalkiisa baahsan ayaa ka mid ahaa sababihii ugu waaweeynaa ee hoos u dhaca dhaqaale iyo bulsho ee ku yimid Soomaaliya.

“Sida ku cad diinteena, wax walba oo dhibaataynaya nolosha iyo caafimaadka qofka waa xaaraan. Sidoo kale qaadka waa maan dooriye, diintana sharci ahaan wax walba oo maanka dooriya way xaaraantinimaysay,” ayuu Axmed yiri. “Marka, waxaan Soomaalida ku boorrinayaa in ay diintooda raacaan oo ay iska daayaan xaaraanta qaadka oo ay lacagtooda iyo nafsaddoodaba ku gubayaan.”

Sida uu qabo Dhakhtar Maxamed Cumar, oo ka shaqeeya Xarunta Caafimaadka Dar es Salaam ee degmada Hodan ee Muqdisho, isticmaalka joogtada ah ee qaadka waxa uu sababaa dhibaatooyin halis ah oo isugu jira kuwo caafimaad iyo kuwo bulsho.

“Qofka qaadka cuna inta badan stress (buufis) ayaa ku dhaca, cudurrada maskaxda ayuuna ugu dambeyn qaadayaa,” ayuu yiri. “Qofkani sidoo kale cunto badan ma qaadanaayo, mar marka qaarna cuntada wuuba iloowaa.”

“Qaadka [sidoo kale] waxa uu keenaa in qoysas badan ay burburaan maadaama aabaha guriga lacagta uu heelo uu ku iibsanayo qaad. Taasi waxa ay keentaa muranno xagga dhaqaalaha ah oo qoysaska dhex mara ugu dambeyntana keena in qoysku uu bur buro,” ayuu yiri Cumar.

Hoos-u-dhaca dhawaan ku yimid qaadka, ee ka dhashay qaadka badan ee sida degdegga uga soo galay Kenya, waxa uu kordhin donaa isticmaalka dadweynaha waxana uu kaliya uga sii dari doonaa saameeynta xun ee isticmaalka ballaarani ku leeyahay gudaha Soomaaliya, ayuu sheegay.

Maxamed Xasan, oo ah 27-jir darawal ka ah gaari weyn oo ka shaqeeya dekedda Muqdisho sameeyana lacag u dhexeeysa $300 iyo $350 bishii, ayaa sheegay in uu maalin walba gato oo cuno qaadka.

“Maalin walba $5 ilaa $10 doolar ayaan qaad ku iibsadaa waanna cunaa, bil walba waxa ay dhamaataa aniga oo deyn la igu leeyahay, iskaba daa in aan lacag meel dhigto.”

“Aniga waxaan jeclaan lahaa in gabi ahaan nalaka joojiyo [qaadka], markaa waxaan ku khasbanaan lahaa in aan cunistiisa dhaafo, oo aan lacag meel dhigto, naag arooso, caruurna aan dhalo,” ayuu yiri. “Laakiin hadda intaasba ma sameeyn karo oo lacagba meel iima dhiganto.”

Isha: Sabahi Online