Ujeedka waftiga QM ee tagay Kismayo

Kismaayo (Caasimada Online)-Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose waxaa maanta oo Arbaca ah gaaray wafdi ka socda hey’addaha Qaramada Midoobay.

Wafdiga ayaa markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Kismaayo waxay halkaas kulamo kula yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan mamaulka KMG ah ee Jubba.

Xubnaha wafdiga oo ay horkaceysay ku xigeenka ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Fatiha Serour ayaa garoonka Kismaayo kulan kula yeeshay madax uu kamid yahay  hoggaamiye ku xigeenka koowaad ee maamulka KMG Jubba Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag .
.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha ammaanka, sidii Qaramada Midoobey ay gargaar u gaarsiin laheyd dadka gobolka ku dhibaateysan iyo dardar gelinta  dib u heshiisiinta beelaha gobolka dega.

Fatiha Serour  oo ay shir jaraa’id wada qabteen Fartaag ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay taageeridda nabadda gobolka iyo tan magaalada, waxayna shaacisay in 21-ka bisha September shir dib u heshiisiineed lagu qaban doonoKismaayo, kaasoo looga hadlayo in beelaha gobolka ay heshiis gaaraan.

Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag ayaa isna sheegay in ay ku faraxsan yihiin kaalinta Qaramada Midoobey ee gobolka.

Wafdiga ayaa markii ay la kulmeen mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba waxay kormeer ku tageen goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalada sida dekedda iyo isbitaalka weyn ee Kismaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com