Wasiir BEYLE oo loo haysto caddeynta xisaab xirka DF ee afar sano oo xiriir ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo maanta su’aalo adag lagu weydiiyay kulankii Xildhibaanada labada Aqal ee BF, kuwaasi oo la xiriira xisaab-xirkii miisaaniyada ee dowladdii hore.

Bayle ayaa iska difaacay su’aalo iyo eedeymo loo jeediyay intii uu joogay Wasaarada Maaliyadda, isaga oo sheegay in uu sameeyay xisaab-xir afar sano oo kamid ah shantii sano ee dowladdii hore haysay.

Waxa uu ku dooday in mas’uuliyadda xisaab-xirka uu leeyahay baarlamaankii 10-aad, maadama uu sheegay in uu u gudbiyay, inkasta oo aan Golaha la horkeenin.

“Waxaa halkan ka cadeynayaa in afar sano cadeyn u hayo waliba ayaga oo saxiixan xisaab-xiradaas aan sameeyay. Baarlamaanka 10-aad ayaa leh mas’uuliyadda,” ayuu yiri.

“Xisaab-xirkii 2018 waxa u gudbiyay Hanti-dhowrka April 28 sanadkii 2019, halka Golaha wasiirada ay ansixiyeen September 18 isla sanadkaas. Sidoo kale Baarlamaanka la geeyay September 2019-kii, iyadoo uu maray akhriskii 1-aad iyo 2-aad.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xisaab-xirkii miisaaniyada 2019-ka u direen Hanti-dhowrka April 30 sanadkii 2019, kadibna la geeyay baarlamaanka 30 Disembar 2020.

Marka laga imaado hadalka uu isku difaacay Bayle, Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa sheegtay inaysan jirin xisaab-xir la ansixiyay afar sano.

Waxay ka dalbatay Wasiir Maaliyadda in uu soo bandhigo cidda u ansixisay miisaaniyadii afarta sano ee kala ah; 2018, 2019, 2020, 2021.

Bayle ayaa maalmihii dambe wajahayay tuhuno la xiriira mad-madow badan oo ka jira xisaab-xirada dowladda, isaga oo iska diiday kulan wax looga weydiinayo arrimahaas oo ugu yeeray Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka.