Sawirro: AL-SHABAAB oo isbitaal weyn ka furtay JILIB

Jilib (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xarigga ka jartay isbitaal weyn oo ay ka hir-gelisay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana lasoo bandhigay sawirrada isbitaalkaas oo aad u qalabeysan.

Al-Shabaab waxay balan qaadeen in bulshada ku nool Jilib iyo deegaanada hoos taga ay isbitaalkaas ka heli doonaan adeegyo caafimaad oo dhameystiran, waana goobtii ugu horeysay oo dan-guud ah oo Al-Shabaab ay hir geliyaan abid.

Warbaahinta taageerta maleeshiyada Al-Shabaab ayaa baahisay bayaan u dhignaa, “Isbitaalkan oo bixin doono adeegyo caafimaad ah oo muhiim ah, loona soo xulay qalab iyo dhaqaatiir ku filan ayaa in muddo ah lagu howlanaa diyaarintiisa, waxaana ugu dambeyntii xafladii lagu daahfurayey ay dhacday Jimcihii lasoo dhaafay.”

Xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka qeyb galay xafladii xarigga looga jaray isbitaalkaas, waxaana ka mid ahaa nin ay magaciisa ku sheegeen Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo kooxda ugu magacaaban guddoomiyaha gobollada Jubooyinka.

Nin ay qariyeen magaciisa oo agaasime looga dhigay isbitaalkaan cusub ee kooxda Al-Shabaab ay ka hir gelisay magaalada Jilib ayuu Maxamed Abuu Cabdalla ku wareejiyey furayaashiisa, wuxuuna sharaxay adeegyada ay sii doonaan bulshada ku nool Jilib iyo deegaanada hoos taga.

“Walaalayaal ku soo dhowaada isbitaalka guud ee Jilib oo noqa doonaan mid ay bulshadu u siman tahay, waxaadna ka heli doontaan dhakhtar walba, rag quburo ah ayaa ka howlgeli doona isbitaalkaan, laguma fududaa doono kiiska qofka bukaanka ah, laba qoybood oo jiif iyo bukaan socod  kala ah, ayuu ka kooban yahay isbitaalkaan,” ayuu yiri Agaasimaha isbitaalka ay Al-Shabaab ka dhiseen Jilib.

Guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobollada Jubooyinka Maxamed Abuu Cabdalla oo xafladaas ka hadlay wuxuu sharaxaad dheer ka bixiyey marxaladihii laga soo maray in la hir-geliyo isbitaalkaas iyo doorka ay Al-Shabaab ku lahaayeen.

Sidoo kale ninkaan wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay isbitaalkaan u wakiilatay guddi ka kooban dadka deegaan oo lasoo xulay, wuxuuna balan qaaday in isbitaalkaas uu dabooli doono baahida caafimaad oo ay qabto bulshada ku nool deegaanada gobollada Jubooyinka.

Hoos ka eeg sawirrada isbitaalka jilib