Daawo: Rooble oo si cajiib ah uga jawaabay weeraro uga socda baraha bulshada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Ra’siiul wasaraaha cusub Xamse Cabdi Barre ayaa si dadban uga jawaabay weerarro baraha bulshada uga socday maalmihii lasoo dhaafay.

Rooble oo jeediyey khudbad dheer ayaa sheegay in soo hadal qaaday rag uu tilmaamay inay sheegteen culumo iyo aqoonyahano oo been abuur iyo dacaayado ku faafiya masuuliyiita, wuxuuna hadalkiisu dadka soo xasuusiyey weerarradii ay baraha bulshada u mariyeen xubno ay ku jiraan Fahad Yaasiin iyo Prof. Maxamed Xaaji Ingiriis.

“Dalkeena waxaa ku soo badanaya dhaqamo xun oo ay sameynayaan dad sheeganaya darajooyin ay ixtiraamaan dadka Soomaaliyeed, sida Sheekh iyo Aqoonyahan, waxay sameynayaan been abuur iyo dacaayado, wuxuuna carrabkooda iyo qalinkoodu noqday wax la ijaarto, waxaana kireysta qofkii ama kooxdii dan gaar ah leh,” ayuu yiri Rooble.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacanta ka qabtaan dadka caadeystay dhaqamadaas oo hoos waxa ugu sheegaan,”Qof kasta oo siyaasadda looga guuleysto, waxaa haboon inuu sugto waqti kale, balse uusan maciin bidin waxyaabhihii aan aragnay maalmihii lasoo dhaafay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ku dhawaad 2 sano Ra’iisul Wasaare uu ka ahaa dalka uu maanta si rasmi ah xilkii ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, “Waxaan si niyad ah idinkaga codsanayaa inaad la shaqeysaan Xamse,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Rooble wuxuu u mahad celiyey Farmaajo, “Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynihii hore Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fursad ii siiyay in aan dalka u adeego, Shacabka Soomaaliyeed oo garab istaagga ii muujiyay, howlwadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo cid kasta oo igu garab gashay howshii adkeyd ee aan soo galnay.”

Hoos ka daawo khudbadii Rooble