Muxuu CAWAD ka yiri in Soomaaliya ay Masar kala hadasho arrinta webiga Nile?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay sida uu u arko wada-hadallada ay yeesheen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar iyo inay ka wada-hadlaan arrinta biyo-xireenka Itoobiya ee Webiga Nile. 

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa abuuray hadal xooggan kadib markii uu shir jaraa’id oo ay wada qabteen madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay inay isku aragti ka noqdeen halista biyo-xireenkaas haddii loo maamulo qaab aan heshiis lagu wada aheyn. 

“Waxaan ka wada-hadalnay xaaladda Biyo-xireenka Dib-u-curashada Itoobiya (Ethiopian Renaissance Dam), waxaana isku raacnay aragtida ah halista siyaasadaha halka dhinac ah ee ku wajahan mashaariicda wabiyada caalamiga ah, iyo sidoo kale inay lama huraan tahay inaan ka dhegnaano mabda’a iskaashiga iyo wada-tashiyada u dhaxeeya dalalka webiga uu maro si loo xaqiijiyo inaan waxyeelo loo gaysan midkoodna,” ayuu yiri madaxweyne Sisi.  

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan waxba ku jabnayn in Soomaaliya iyo Masar ay ka wada hadlaan arrimo uu ka mid yahay webiga Nile. 

“Waa caadi in waxa dal dhibaya oo welwel ku haya ay dal kaloo ay saaxiib yihiin kala hadlaan. Sida aan wada ognahay, biyo xireenkan korontada dhaliya ee ay Itoobiya samaysay waxaa dareen badan iyo diidmo ka muujiyay dalalka Masar iyo Suudaan oo ku dooday inay tallaabadaas waxyeelayso, maaddaama ay yihiin dalalka ay biyahaas ku dhacayaan oo aan ahayn kuwa ay webiyada ka yimaadaan,” ayuu yiri Cawad. 

Waxa uu intaas ku daray in “Soomaaliya aysan ku qaldanayn haddii ay Masar kala hadasho arrimaha khuseeya webigaas,” isaga oo sheegay in Masaarida albaab kasta u garaacayaan sidii ay Itoobiya ugala heshiin lahaayeen arrinta biyo-xireenka, balse waxa ugu wanaagsan ay tahay in labada dhinac si siman loogu kala dab qaado.”

Dowladda Soomaaliya ayaa caddaysay mowqifka ay ka taagan tahay khilaafka webig Niilka ee u dhaxeeya Itoobiya oo dhinac ah iyo Masar iyo Suudaan oo dhinaca kale ah.

“Mowqifka dowladda Soomaaliya waa in si nabad ah looga wada faa’iidaysto biyaha webiga, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyadii caalamiga ahaa,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar. 

Haddaba waxaa la is weydiinayaa hadii aan laga hadlin arrinta khilaafka webiga Niil maxaa ku qaadya madaxweynaha Masar inuu shirka jaraa’id ka sheega inay arrintaasi isla soo qaadeen isaga iyo Xasan Sheekh. 

“Madaxda Adduunku marka ay kulan yeeshaan kadib waxa ay warbaahinta iyo shucuubtoodaba la wadaagaan wixii ay islasoo qaadeen iyo qodobadii ay isku afgarteen. Suurtogal ma ahan in iyaga oo is garabtaagan uu midkood iskii u alifo wax aan miiskaba lasoo saarin. Waxii uu dhinac sheegana waa dhab haddii aanu kan kale kasixin oo isla goobta ka sheegin in uu saaxiibkii sibqaday,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cilmi oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika.