Wasiir Ducaale oo shaaciyey goobta ugu horreysa oo ay kala wareegayaan Amisom

Wasiirka wasaaradda Aminiga qaranka dowladda Soomaaliya Mohamed abukar islow ducaale oo ka qeybgalaayey shirka caalamiga ah ee loogahadlaayey Amiga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee Bilguim-ka, ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay dhawaan la wareegidoonaan goobo muhiim ah oo ay hada ku suganyihiin Ciidamadda AMISOM ee joga Soomaaliya iyadoona qorshaas uu qeyb kayahay qorshe kumeelgaar ah oo ay dowlaadda Soomaaliya ay u soo bandhigtay besha caalmka.

Wasiir islow, ayaa waxaa  xuusay in Gooroonka Stadio Muqdisho oo ay hada ay daganyihiin Ciidamadda Amisom ay dhawaan la wareegidoonaan ciidanka Soomaaliyeed islamrkaana lagu wareejindoono Wasaarada dhalinyarada iyo Sports -ka Soomaaliya si looo soo ciliyo haybadii Sports-ka Soomaaliyeed si dhalinyarado badan  ay fursad ugu  helaan goob nabdoon oo ay ku cayaaraan.

Maxamed Abukar islow Ducaale, waxaa   uu hoosta ka xariiqay  in madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo uu hoy ka sameystay xarunta Wassaradda gaashaanidhiga Soomaaliya si uu isugu dubarido Ciidamada qaranka Soomaaliyeed taasi oo uu kutilmaamay mr isloow wax lagu farxo horeyna ay san u sameynin Madaxdii hore ee dalka Soo martay.

Wasiirka Aminiga qaranka Maxamed abuukar islow ducaale ayaa waxaa uu timaay  in uu guul ku soo dhamaaday howlihii shaqio ay u yimaadeen Magaalada Brussels ee Bilguim-ka islamarkaasi dowladda Soomaaliya laga aqbalay qorshihii kumeelgaarka ahaa ee ay u soo bandhitay beesha caalmka ee ku saabsanaa in la dhiso cidan qarn oo mustaqbalka dhaw Amisom kala wareegan goobaha ay Amisom ka jogaan Soomaaliya.

”waxaa la gaaray xiligii Ciidanka Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigi lahaayeen guud ahaan amniga dalka waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan ciidamada ayna kala shaqeeyaan sidii loogu guuleysan lahaa kooxaha Nabad diidka ah oo shacabka Soomaaliyeed u diiday Nabada” ayuu yiri wasiir Islow.

Shirkaan lagu soo gaba babeeyey Magaalada Brussels ee Bilguim-ka ayaa waxaa shir gudoominaayey Ra”iisulwasaraha Jamuhiiriyada Somaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, waxaana la si la gartay in  dib u habeyn buuxda lagu sameeyo ciidamada Qaranka loona diyaariyo sugidda Aminiga guud ahaan dalka Soomaaliya, iyadoona shirka ay goob joog ka ahaayeen ,Qm ,Midowga Africa, Midowga yurub ,turkiga ,iyo guud ahaan xubanaha deeqaha ku bixiya dalka Soomaaliya.

W/D Abdullahi Taajiroow