Amisom oo la wareegaysa amniga xarunta Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia, gaar ahaan Gudiga joogtada ayaa maanta kulan ay yeesheen uga  arrinsaday Qorshayaasha kulamada soo foodleh.

Xildhibaanada Guddiga joogtada, ayaa si qoto dheer uga dooday kulamada soo socda, waxa ayna sidoo kale warbixino kooban ku dhageysteen xaaladda murugeysan ee ka taagan magaalada beledweyn.

Xildhibaanada ayaa kulanka xooga ku saaray Amniga xarunta aqalka sare oo la sheegay inuu yahay mid aad u dayacan, isla markaana u baahan in la xaqiijiyo.

Xildhibaanada aadka u dhaliilay amniga ayaa waxaa kamid ahaa Sanator Axmed Nadiir oo  sheegay in amniga xarunta uusan ahayn sidii loogu tallo galay.

Waxa uu Sanator Axmed Nadiir, sheegay inay aad u yartahay kalsoonida uu ku qabo amniga Xarunta Aqalka Sare, sidaa aawgeed la doonaayo in la adkeeyo amniga.

Sanator Nadiir ayaa intaa ku daray in muddo  Hal sano iyo bar ah ay ku shaqeynayaan xarunta oo amnigeedu uusan wanaagsaneen.

Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa horay usoo jeediyay in amniga  xaruntooda lagu wareejiyo ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in AMISOM  ay aqbashay warqad ay u qoreen islamarkaana la filayo in Ciidamo ka socda AMISOM ay la wareegaan amniga Xarunta Golaha aqalka sare.

Dhinaca kale, Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa aad usoo dhaweeyay go’aanka ay AMISOM ku aqbaleen in lagu wareejiyo amniga Xarunta Golaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com