Nin Muqdisho ku dhex khaarijiyay xaaskiisa iyo saddex ruux oo kale

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in ruux hubeysnaa uu magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ku dilay Afar ruux oo ehel ah.

Ruuxaani ayaa dilka ka dhex geystay degmadda Wadajir ah ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaaano sifeeynta badroolka oo ku taalla duleedka degmada wadajir.

Ruuxaani ayaa marka hore dilay Xaaskiisa, waxa uuna intaa kadib dilay 3 qof oo kale, isagoo isku dayay in isla goobta uu ku dilo dad kusoo baxay qeylada ayaa waxaa suuragashay in dadkaasi ay ka baxsadaan dilaaga.

Dilaaga ayaa intaa kadib isla goobta isku dilay kadib markii ay soo gaaren ciidamo ka tirsan dowlada oo doonaayay inay gacanta ku dhigaan.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in ninka dilka geystay uu maalinimadii shalay soo iibsaday qoriga noociisa loo yaqaano AK 47, kaa oo uu dilka ku fuliyay.

Waxa ay dadka deegaanka ku sheegen magaca ruuxa dadka Cabdul qaadir Caddaan, waxaana dadka uu dilay lagu kala magacaabaa:-

1-Xaawo Maxamuud Caddaan oo ah Walaashiis.

2-C/llaahi Maxamed Yalaxow.

3-Maxamed Tuur-yare oo ay Ilmo Adeer ahaayeen

4- Xaliimo Xuseen Cali Kowshe oo xaaskiisa aheyd.

Sidoo kale, maamulka degmada Wadajir ayaa xaqiijiyay dhacdadaan, waxa ayna sheegen inay wadaan baaritaan ku aadan qaabka uu u dhacay dilka iyo waxa sababay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa waayadan magaalada Muqdisho kusoo badanaayay Ragga dila xaasaskooda taa oo la tilmaamay inay ka dhalato duruufo soo wajaha ragga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com