Xiisad ka dhex taagan ciidamada Mareykanka iyo Shiinaha ee Jabuuti

Shiinaha ayaa beeniyay in ciidankiisa jooga saldhigga uu ku leeyahay Djibouti ay ileyska laysarka ku shiisheen diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee isicmaalla saldhigga Maraykanka ee Djibouti.

Leysarradani waxaa loo adeegsadaa sidii loogu cawari lahaa indhaha dadka la rabo in la bartilmaameedsado muddo kooban.

Pentagon-ka ayaa sheegay in qof ku sugnaa meel u dhaw saldhiga milatari ee uu Shiinaha ku leeyahay Djibouti uu adeegsaday leysaro si uu u carqaladeeyo diyaaradaha milatari ee Mareykanka.

Saraakiisha Mareykanka waxay sheegeen in diyaaradahani ay si nabad ah u caga-dhigteen saldhiga Lemonnier ee dalka Djibouti, balse waxaa dhaawacyo fududi soo gaareen laba askari.

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha ayaa tiri “kaddib markii aan si adag u hubinnay, waxaan u sheegnay dhinaca Mareykanka in ay dhabt ahaantii ay been tahay waxa ay nagu eedeeyeen”

Mareykanka ayaa waxaa dalka Djibouti ee bariga Africa ka jooga ciidamo gaaraya 4,000 oo askari, iyagoo halkaasi ka fuliya howlgallada la dagaalanka argagxisiada ee Qaarada Africa.

Saldhigaasi Mareykanka waxaa Dhowr kilo-mitir u jira saldhiga ay milatariga Shiinaha ku leeyihiin Djiboutii. Dowlada Beijing waxay sheegtay in halkaasi ay u joogaan danaha Shiinaha ee Caalamka iyo howlo dhinaca nabad-ilaalita ah.

Murankan dhinaca millatari ee labada waddan ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka ganacsi ee Shiinaha iyo Mareykanka uu aad u xumaaday, kadib marki ay labada dal isugu jawaabeen canshuur kordhin dhinaca badeecadaha ay isu dhoofiyaan.

VOA