Reer Jubaland oo dacwo ka ah dadka Axmed Madoobe safarada kadib markii ay…

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar kamid ah nabadoonnada iyo dadka ka soo jeeda deegannada maamulka Jubbaland oo ay ku midaysanyihiin inta badan beelaha Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Axmed Madoobe in shirarka uu u aado dalka dibadiisa uu u kaxeeyo dad ay isku heeb yihiin oo kaliya, halka laga tago dadkii mudnaa in safaradda dibadda loo kaxeeyo

Arrintan ayaa timid xilli madaxweynaha Jubballand Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu dhowaan magaalada Addis Ababa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyadoo uu horay u sii kaxaystay wasiirka dastuurka ee maamulkiisa Aw-xirsi iyo Maxamed Wasame Faarax (Darwiish) Wasiirka arrimaha gudaha ee Jubbaland.

Heshiisyada u degsan maamulka Jubbaland waxaa kamid ah in qabaa’ilada dega ay noqdaan kuwo u siman ka hadalka arrimaha masiiriga ee Jubbaland.

Dad badan waxay sheegaan in wafdiga uu horkacaayo Axmed Madoobe uusan shirarka dibadda kala qebgelin madaxweyne ku xigeenkiisa C/qaadir Lugo-dheere iyo guddoomiyaha baarlamanka Jubbaland, iyadoo maamullada Hoggaamiyaasha Jubbaland iyo Puntland la xusay in shirarka ugu badan ee ay u aadaan Addis Ababa ay u kala dhuuntaan.

Waxgardka Jubaland ayaa ugu baaqay madaxweyne Axmed Madoobe in uu caddaalad ka sameeyo xulashada wafuudda u raacaysa safarrada bannaanka.