Qorshe cusub oo ka socda Muqdisho iyo ujeedka ka dambeeya (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xiliyada habbeenkii magaalada Muqdisho lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo lagu soo daadiyay wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo ay horkacayaan Saraakiil labisan ayaa baaritaano kula dhaqaaqa dhammaan gaadiidka, gaar ahaan kuwa aan taabacsaneyn dowlada ee laga shakiyo.

Ciidamada ugu badan ayaa lagu daadiyay wadada Makka Al-Mukarama oo ay ku badan yihiin Madaxda iyo shaqaalaha dowlada, waxaana xiliyada qaar arkeysaa Saraakiil caan ah oo dhex socda laamiyada dhexdooda kuwaa oo ku guda jira xiliga ay Saraakiishu u taqaan ‘’gaafmeerka’’.

Ciidamo kale oo ka tirsan Koofi cas ayaa lagu kordhiyay kuwa ilaalada ka haya Xarunta Villa Somalia, gaar ahaan afafka hore sida Sayidka iyo Hooyooyinka, kuwaa oo qaba dareen feejignaan.

Hay’adaha amaanka ayaa sidoo kale xiray dhammaan waddooyinka laga soo gala magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah wadada Warshadaha, waxaana aad u adag in gaadiidka raaxada iyo kuwa shacabka ay si sahlan kusoo galaan magaalada.

Guud ahaan amniga magaalada Muqdisho ayaa h mid degan, waxa ayna dowlada Federaalka xooga saareysaa ka hortaga Qaraxyada, hase ahaatee waxaa sii xoogeysanaaya dilalka oo inta badan dhaca xiliyada ay maleeshiyada u suuroobi weydo Qaraxyada.

Docda kale, dowlada ayaa adkeynta amniga ku sheegtay mid looga gaashamanaayo falalka amni darro, maadaama ay fooda nagu soo heyso bisha ramadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com