Xog: Gudoomiye Maxamed Mursal oo durba qaati ka taagan xildhibaanno

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Hooyga Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ay buux dhaafiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha.

Xildhibaanada qaar ayaa lasoo sheegayaa inay saldhigteen Hooyga Guddoomiyaha, iyadoo aan la ogeyn sababta rasmiga ee Xildhibaanada ku khasbeysa inay is uruursadaan.

Xildhibaanadan ayaa u badan garabka guusha usoo hoyiyey  Guddoomiye Mursal, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Guddoomiyaha uu latashiyo la sameynaayo Xildhibaanada.

Xildhibaanadan ayaa u muuqanaaya kuwo shaqooyinka ka hor istaagaya Guddoomiye Mursi oo ay horyaalan shaqooyin badan, wallow uu ku jiro xiliga diyaar garowga.

Sidoo kale, Xildhibaanada ugu badan ayaa la xaqiijiyay inay damaacinayaan in loo magacaabo guddiyada uu ka kooban yahay baarlamaanka si ay safafka hore uga noqdaan baarlamaanka.

Xildhibaanada hogaamiya Guddiyada baarlamaanka ayaa ah kuwa ugu miisaanka badan marka la’eego howlaha baarlamaanka, waxa ayna taa xiisa galineysaa garabka soo saaray Guddoomiye Mursal.

Docda kale, Guddoomiye Mursal ayaa ku guda jira xiliga la tashiga, hase ahaatee waxa ay arrintu tahay mid u muuqaneysa inuu jiro is xulafeysi hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com