Gaas oo sharxay hadalkii “Somalia Muqdisho maaha, Muqdishona Somalia mahaa”

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Gaas ayaa sharaxaad ka bixiyy hadal dad badani ay fahankiisa siyaabo kala gedisan u fasirteen, kaas oo ahaa “Soomaaliya Muqdisho Maaha, Muqdishona Soomaaliya Mahaa”.

Gaas oo hadalkaas sharxaya ayaa waxa uu yiri: “Hadalkaas micnehiisu waxaa weeye Soomaaliyo dhan Muqdisho kaliya maaha Muqdisho kaligeedna Soomaaliya oo dhan maaha, micnaha kusii jiraana waxaa uu yahay dalku waa balaaranyahay, Federaal weeye, wax kastoo deeq caalamiya oo yimaada haday tahay gaadiid baa imanaya, dhaqaale baa imaanaaya, horumar baa imaanaya, mashaariic baa imaanaysa, hadii la yiraado markaas wax-walba Muqdisho ayaa leh, ummadda Soomaaliyeed sidii la iskugu hayn lahaa dhib ayeey noqoneysaa.”

Waxa uu intaas ku daray “Waxaa loo baahan yahay dalka dhammaantii in loo adeego oo aan lagu mashquulin caasimada oo kaliya, habkan ah hal caasimad, hal degmo, hal gobol, waxyaalihii dalku uu ku bur-burey bay kamid tahay,  waxaa weeye markaa in lafahmo dalka inuu fedraal yahay masuuliyadana la wadaago, maamulkana la wadaago, awoodana la wadaago intaas un weeye ujeedada aan kalahaa hadalkayga, intaasna waa in la fahmaa,”

Gaas ayaa inta badan dhaliila kana soo horjeeda horumarka caasimadda Soomaaliya, isaga oo u arka mid ay beel gaar ah ku faa’iideyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com