Xildhibaanada Aqalka Sare oo $50 kun ugu deeqay dadka ku barakacay fatahaada

Muqdisho-(Caasimadda Online) – Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa maanta waxa ay kulan ku yeesheen Xaruntooda Magalada Muqdisho,iyaga oo kaga hadlayay qodobo ay ka mid ahaayeen Amniga Xarunta iyo sidii gurmad loogu sameyn lahaa dadka uu saameeyey fahataada Wabiga.

Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhag Dheer) Guddoomiyaha Gudiga Gurmadka ay xubnaha Aqalka Sare u xil saareen in ay dhaqaaale aruurin u sameeyaan dadkii uu saameeyay fatahaada Wabiga shabeelle ee ku nool Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa xubnaha Aqalka Sare warbixin ka siiyay howlaha gurmadka iyo halka ay u marayaan.

Waxa uu sheegay in ay gudigooda ay u qoondeeyeen dadka ay saameeyeen fatahaada Wabiga Shabeelle lacag dhan 50,000 oo Dollar, taasi oo qaabab kala duwan looga kala qaadayo Senatarada Golaha Aqalka Sare.

Kulanka Golaha oo uu shir guddoominayay guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Nukhaari ayaa Xildhibaannada Aqalka Sare waxa ay sheegeen in lacagtaas lagu caawin doono dadka ka barakacay fatahaada,iyada oo horay dowladda Soomaaliya iyo maamulada qaar ay lacag ugu deeqeen dadkaas.

Gudigaan ayaa waxaa magacaabay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Soomaaliya, waxayna sheegeen in lacagta ay ku wareejin doonaan Guddiga gurmadka ee fatahadaha ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com