Xog: Maxaad kala socotaa kulankii Qalbi Dhagax iyo Sanbalooshe ee xalay?

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Waxaa xalay ku kulmay hotelka Radisson Blu oo ku yaalla magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sambalooshe iyo sarkaalkii ka tirsanaa jabhadda ONLF ee laga qabtay gudaha Soomaaliya Cabdikariim Qalbidhagax, iyada oo ay kulankaas soo abaabuleen Sirdoonka Dowladda Itoobiya.

Sambalooshe oo taniyo intii xilka laga qaaday deegaan ka dhigtay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa maalmahan ku sugnaa Adis Ababa.

Kulanka Cabdikariim Qalbidhagax iyo Sambalooshe ayaa looga gol lahaa in ay ka heshiiyaan waxyaabihii dhex maray, iyada oo wararka qaarna ay sheegayaan in maalmaha soo socda lasii daynayo maxaabiista siyaasadeed ee ku jira xabsiyada Itoobiya. Qalbi dhagax ayaa la filayaa inuu kamid yahay dadkaasi, waxaase warar kale tibaaxayaan inuu ka biya diidsanyahay in loo wareejiyo Jigjiga, isaga oo codsaday inuu iska joogo Adis Ababa inta laga dhameynayo wada hadallo haatan u socda ONLF iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaa jira tuhunno laga qabo in qorshihii lagu dhiibay Qalbidhagax inuu ahaa mid ay kasoo wada shaqeeyeen Dowladda Itoobiya iyo Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sambalooshe, iyada oo ay gadaal ka riixaysay Dowlad Imaaraadka Carabta oo adeegsanaysa Dowlad Goboleedka Galmudug.

Taliyihii hore ee Sirdoonka Qaranka Mudane Sambalooshe ayaa warbixintii ay Guddigii Barlamaanka ee loo xilsaaray kiiskan soo saareen sanadkii hore lagu sheegay inuu masuul ka ahaa dhiibista Qalbidhagax, xog khaldanna uu siiyay madaxda qaranka.

Lama oga in ay wadashaqeyn hore ka dhaxaysay Qalbidhagax iyo Sambalooshe, balse waxaa jira tuhunno laga qabo in kiiska Qalbidhagax oo idil uu ahaa mid la doonayay in Dowladda Soomaaliya lagu wiiqo taagerada ay ka haysatay Shacabka Soomaaliyeed, haatanna dantii laga lahaa laga gaaray.

Bishii hore waxaa xabsi ku yaalla Adis Ababa laga sii daayay Bashiir Mukhtal oo ahaa Sarkaal ka tirsan ONLF, haystayna dhalasho Canada, oo 11 sano kahor loo gacan galiyay Dowladda Itoobiya, xilligaas oo ay Ciidamada Kenya ka qabteen xadka dalkaasi la wadaago Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa wada isbadal siyaasadeed oo uu ku doonayo inuu cafis ugu fididyo maxaabiista siyaasadeed si heshiis dhab ah loola gaaro jabhadaha Oromada iyo Soomaalida eek u kacsan Dowladda Itoobiya.