Ethiopia iyo Eritrea: Labadii nin ee bidaarta lahaa ee shanlada ku dagaalamay

Muddo 20 sano ah ayaa laga joogaa tan iyo intii uu dagaalka ka dhexqarxay labadan dal ee Afrikaanka ah ee faqiirka ah.

Dagaalkan dhexmaray Itoobiya iyo Eritrea ayaa waxaa ku naf waayay tobonaan kun oo dad ah, dad kale oo aad u badane dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.

.

Balse inkasta oo heshiis nabadee ay wada saxiixdeen labada dal sanadkii 2000, haddane wali waa kuwa dhufeysyada u qodan ciidammada, isna soo horfadhiya.

Haddaba maxaa dhaliyay dagaalkii markii hore, maxayse tahay rajada laga qabo in uu dhammaado.

‘labo bidaar leh oo shanlo ku dagaalamaya’

Dagaalka waxa uu biloowday 6-dii May, 1998-dii kadib markii la’isku qabtay cidda maamulaysa magaalada Badme oo ah magaalo saxaro ku taala oo aysan jirin wax qiimo ah oo muuqda oo ay leedahay.

Ma lahan kayd shidaal oo halkaas ku jira ama xitaa macdan, balse Itoobiya iyo Eritrea taas micno uma samaynayso, mid kastana waxa uu doonayaa in uu qaato magaaladan. Dadka xeeldheerayaasha siyaasadda ayaa ku tilmaamay “labo nin oo bidaar leh oo shanlo ku dagaalamaysa”.

Markii uu dagaalka faafay, waxaa iyana balaartay dadkii qaxayay.

“dagaalka waxa uu barokiciyay qoysas badan labada dhinacba, waxaan ka kala guursanaa xadka labadiina goonyood, hadda ma is booqan karno xitaa haddii uu aroos jiro ama ay geeri jirto” ayuu yiri Kasahun Woldegiorgis oo degen magaalada Adigrat ee Itoobiya oo xudduuda u dhow.

Qoysaska oo kaliya ma ahan dhibka jira, ee sidoo kale ganacsigii bulshooyinka xudduuda degan ayuu dhibka ugu weyn soo gaaray.

Go’aankii laga gaaray muranka xudduuda

Dagaalka wuxuu dhamaaday bishii June ee 2000, balse 6 bilood oo dambe ayay qaadatay in heshiis la kala saxiixdo, iyada oo la sameeyay guddi xudduuda ah.

Waxa ujeedku ahaa in muranka lagu dhameeyo, balse markii guddigii uu go’aamiyay in magaalada Badme lagu wareejiyo Eritrea, Itoobiya waa ay diiday go’aankaas.

Badme

Eritrea dhankeeda waxa ay diiday in ay wax wadahadal dambe la gasho Itoobiya illaa ay ka fulinayso go’aankii ay guddiga gaareen.

Ismari waaga labada dhinac ayaa nabaddii ka dhigay mid qaw dheer ka dhacday.

Waxaa mararka qaarkood dhaca is rasaasayn, magaalada Badme-na waxa ay weli ku jirtaa gacanta Itoobiya.

Eritrea waxa ay shacabkeeda ku qasabtay in ay galaan gurmad qaran, balse wixii loogu talogalay in ay ku ekaadaan 18 bilood oo kaliya ayaa noqon kara mid aan dhammaad lahayn.

Sidaas darteed dad badan oo aanan doonaynin in ay ciidanka kasii mid ahaadaan ayay wadada kaliya ee u furan tahay in ay qaxaan.

Maanta waxa ay dadka reer Eritrea ka buuxaan xerooyin qaxooti oo ku yaala Itoobiya iyo Sudan, ama waxa ay isku biimeeyaan saxaraha iyo badda Mediterranean si ay u gaaraan qaaradda Yurub.

Eritrean-ka waxa ay noqdeen dadka ugu badan ee tahriiba, qaar badana dariiqa ayay kusii dhintaan.

Dowladda waxa dagaalka Itoobiya kala dhaxeeya ugu marmarsootay in ay laasho dastuurka, islamarkaasna mamnuucdo xoriyatul qowlka.

Hawlgal la sameeyay sanadkii 2001-dii waxaa inta badan la xirxiray tifaftirayaashii iyo wariyeyaashii saxaafada madaxa banaan.

Waxaa sidoo kale la xirxiray madaxdii xisbiga talada haya ee PFDJ, illaa haddane meel ay jiraan lama garanayo.

Dhanka Itoobiya, waxa ay dowladda inta badan ka walwalsantahay degenaansho la’aanta siyaasadeed ee dalkaas in ka badan magaalada Badme.

Rajada nabadda

Madaxweynaha Algeria ayaa heshiisiiyay Ra'isulwasaarihii Itoobiya Meles Zanawi iyo madaxweynaha Eritrea Isias Afawarki

Balse ma laga yaabaa arrimaha cakiran ee Badme laga gudbi doono mardhow?

Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku baaqay in nabad lagu dhameeyo dhibaatada jirta , balse dowladda Eritrea ayaa diiday baaqaas.

“Nabadda waxa ay dan u tahay labada da, balse waa in lagu saleeyaa xushmadda loo hayo shuruucda caalamiga ah, kuwaas oo ay Itoobiya ku xad gudbayso” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel.

Dhawaan waxaa Eritrea booqasho ku tagay Donald Yamamoto oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka , waxayna tani keentay rajo cusub.

Isha BBC