Sawirro: Axmed Madoobe oo Addis-Ababa kula kulmay Cabdikariim Qalbidhagax

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dalka Ethiopia ku booqday Cabdikariim muuse Qalbidhagax oo dhawaan loo gacan galiyay dowlada Ethiopia.

Axmed Madoobe ayaa Cabdikariim Muuse Qalbidhagax ku booqday halka uu ku xiran yahay, oo u eg xabsi guri, waxa uuna kala hadlay xaaladiisa iyo isbedelka ku imaaday Mowqifyadiisii hore.

Axmed Madoobe, ayaa Cabdikariim Muuse Qalbidhagax u sheegay inaanu Ethiopia kala kulmi doonin dhibaato weyn, sidaa aawgeedna la doonaayo inuu is dajiyo.

Axmed Madoobe waxa uu Cabdikariim muuse Qalbidhagax u ballanqaaday inay ka warqabi doonaan isla markaana ay Ethiopia kala hadli doonaan sida looga qafiifin lahaa Xabsiga.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa Dowlada Ethiopia kala hadley sidii uu dib xoriyadiisa ugu heli lahaa Qalbi dhagax.

Qalbidhagax oo katirsanaa ururka ONLF ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya 10 bilood ka hor u gacan galisey dowlada Itoobiya.