Imaaraadka oo cabsi ka muujiyay in Qatar ay kala wareegto Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka carabta, ayaa mar kale daboolka ka qaaday in Qatar ay dhaqaale iyo maskaxba ku bixineyso carqaladeynta qorshaha ay ku joogan Somalia.

Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, ayaa sheegay in dowlada Imaaraadka carabta ay la socto dhaqdhaqaaqyada dowlada Qatar ee Somalia, waxa uuna ka digay in Qatar ay kusii fogaato arrimaha Imaaraadka ee Somali.

Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, waxa uu sheegay in dowladiisa Imaaraadka ay garaneyso wixii u maslaxad ah, sidaa aawgeed ay dooneyso in Qatar ay faraha kala baxdo arimaheeda ku aadan Somalia.

Sheikh Al Nahyan oo ay xiganayaan warbaahinta maxaliga ayaa yiri ‘’ Dowlada Qatar waxa ay dhaqaale xoogan ku bixineysaa sida lagu fashilin lahaa howlaha Imaaraadka ee Somalia, gacmaha kama laaban doono haddii ay dhacdo in Qatar ay kusii adkeysato faragalinta howlaheena Somalia’’

Sheikh Al Nahyan, ayaa sheegay in Qatar uu ku jiro damac aan muuqan, hase ahaatee ay u wanaagsan tahay inay hakiso faragalinta ay ku hayaan danahooda Somalia.

Sheikh Al Nahyan ayaa mar kale yiri ‘’Qatar arrinteeda waa mid cad, balse waxaanu dooneynaa inaan lagu sii fogaan arrimaha gaarka ah, anagu ma galno waxyaabaha qaar ee khaaska ah, waxa ayse tani nagu khasbeysaa inaanu qaadno talaabo lid ku ah Qatar’’

Waxa uu cadeeyay Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan in Qatar ay dooneyso in saaxada ay kala baxdo dowlada Imaaraadka oo uu sheegay inay ka fac weyn tahay, sida uu haddalka u dhigay.

Sidoo kale, Dacwada Qatar ayuu sheegay inay hordhigi doonaan dhammaan dowladaha wax galka ah ee ku jira Jaamacada Carabta.

Haddalada isdaba jooga ah ee kasoo yeeraya Imaaraadka ayaa muujinaaya in arrinku yahay mid maraaya heer xun, waxaana xiligaani ciishoonaaya Imaaraadka oo dhinacyada ay kaga furan yihiin mowjado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com