Xog: CCC Sharmaarke oo Imaaraadka heshiis kula galay fulinta qorshayaal halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dowlada Imaaraadka Carabta ay dabino cusub u maleegeyso dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Dabinadaani ayaa lasoo sheegayaa in Imaaraadku uu u adeegsan doono Xubno dhowr ah oo uu ugu weyn yahay Ex Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Cumar C/rashiid ayaa la xaqiijiyay in qandaraaskaasi ‘’dal dumiska ah’’ uu dhawan la galay dowlada Imaaraadka carabta, gaar ahaan dhaxal sugaha dalkaasi.

Xogtu waxa ay muujineysaa in damaca uu yahay cuuryaaminta dowlada iyo is hortaag lagu sameeyo dhammaan guulaha ay hiigsaneyso dowlada hadda jirta, sida ay xogtu muujineyso.

Shir qarsoodi ahaa oo dhamaadka bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Abuu Dabai, ayaa waxaa lagu dagay qorshooyin Siyaasadeed oo cusub, waxaana shaqsiyaadka ka dhexmuuqday kamid ahaa C/weli Gaas iyo Cumar C/rashiid oo u dhuun-daloola arrimaha shisheeye.

Dowlada Imaaraadka carabta ayaaa dhaqaale xoogan ku bixineysa Cumar C/rashiid oo isagu garabsan doona maamul Goboleedyada ka jira dalka, inkastoo qaarkood ay yihiin kuwo dhaliilsan in loo isticmaalo duminta dalka.

Dowlada Somalia oo sidoo kale la socta dhaqdhaqaaqyada gudaha iyo dibadda ayaa dhankeeda kawada qorshayaal looga hortagaayo isticmaalka shaqsiyaadka aan kor kusoo xusnay ee u nugul burburinta dalkooda.

Ma cadda sida uu noqon doono qorshaha u degsan dowlada, waxaase muuqaneysa inuu halis ku yahay is guruubeysiga dhinacyada ‘’dal dumiska ah’’.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com