Saddex su’aalood oo laga keenay kulankii Axmed Madoobe iyo Qalbi Dhagax  

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Dadka Soomaaliyeed ee adeegsada Baraha Bulshada, gaar ahaan Facebuugga ayaa suaalo badan ka keenay sawirrada laga faafiyey kulanka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Cabdikariim Qalbi Dhagax oo ku dhawaad sannad ka hor Dowladda Soomaaliya ay u gudbisay Itoobiya.

*Goobta lagu kulmay, ma xabsi baa* ?Dadka ka aragti dhiibtay sawirrada kulanka Axmed Madoobe iyo Qalbi Dhagax ayaa su’aalo iyo dood geliyey halka uu ku suganyahay Qalbi Dhagax, iyagoona tilmaamay in goobta sidaan u quruxda badan aysan ahayn xabsi, halka qaar kalena ay ku tilmaameen xabsi guri, balse dadka ka soo horjeeda fikirkaas ayaa ku doodaya in Qalbi Dhagax uusan ahayn siyaasi si xabsi guri uu u muteysto ee sida horey loo sheegay haddii fal-danbiyeed kiisu yahay argagixisanimo uu ku mudan lahaa xabsi aad u adag in la geliyo.

“Boowe Madaxweyne Axmed Madoobe dadaal buu sameeyey, balse armaysan meeshuba ahayn xabsi.” Ayuu yiri qof lagu magacaabo Jama Farah oo la yaaban goobta ay ku kulmeen Qalbi Dhagax iyo Axmed Madoobe.

*Maxaa ku soo beegay kulanka waqtigan*?

Arrimaha sida gaarka ah xiisaha u leh ayaa la xiriira suaashan, iyadoona dadka adeegsada baraha bulshada ay isla dhex marayaan kulankii Caasimadda.net ay baahisay ee dhex maray Qalbi Dhagax iyo Sanbalooshe, sababta ka danbeysa in waqtigan uu bilowdo olale noocaan ah, waxa ayna dadku tilmaamayaan in Sanbalooshe iyo Axmed Madoobe ay ahaayeen labada qof ee ugu saameynta badnaa kiiskii lagu dhiibay Qalbi Dhagax.

“Game la jilaayey bay ahayd ee wax xirnaa ma jirin, sababtuna waxa ay tahay ninkan waxaa diyaaradda la raacay Cabdi Cali Raage oo gacan yaraha Axmed Madoobe ah. Waa shirqool ay wada jilayeen Mukhaabaraadka Itoobiyaanka iyo jawaasiistooda.” Ayuu yiri qof ciwaankiisa ay ugu qorantahay A Sharif.

*Dhiibsita Qalbia Dhagax ma danbi ay dowladdu gashay buu ahaa mase shirqool ka dhan ah* ?

Muddo yar ka hor aad bay u adkeyd in qof Soomaali ah uu shaki geliyo arrinta Qalbi Dhagax, balse tan iyo 24kii saac ee la soo dhaafay oo ay si if baxday in uu kalamo kala duwan la qaatay Taliyehii hore ee Nabad Sugidda Sanbalooshe iyo Hoggaamiyaha Jubbaland, waxaa isa soo tarayey fikirrada tibaaxaya in arrinkan uu ahaa shirqool lagu wiiqayey taagerada xad dhaafka ah ee shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Dadka arrinkan ku cabiray Facebuugga waxaa ka mid ahaa qof lagu magacaabo Jaale Siyaad Jaamac oo yiri “Awalba Shirqool loo dhigay Kahyre iyo Farmaajo buu ahaa, si loo wiiqo taageeradooda iyadoona loo adeegsaday Taliye Sanbalooshe. Itoobiya dantii ay ka lahayd haddii ay ka gaartay soo ma ahan in ay iska dhigto mid sii deynaysa.” Qofkan ayaa ku soo gaba gabeeyey tix ka mid ah gabayadii Abwaan Qamaan Bulxan ee uu kaga digayey khayaamada iyo dhagarta ay maleegaan dadka saaxiib u ekeyaasha ah.

*Baadida nin baa kula daydaya daalna kaabadane*
*Aan doonahayn in aad heshana daa’in abidkaaye*
*Dadkuna moodi duul wada dhashaan wax u dahsoonayne*