Xog: Maxay tahay sababta ay Axmed Madoobe iyo Sanbaloolshe ula kulmeyn Qalbi Dhagax

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Waxaa xalay ku kulmay hotelka Radisson Blu oo ku yaalla magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya Taliyihii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sambalooshe iyo sarkaalkii ka tirsanaa jabhadda ONLF ee laga qabtay gudaha Soomaaliya Cabdikariim Qalbidhagax, iyada oo ay kulankaas soo abaabuleen Sirdoonka Dowladda Itoobiya.

Sambalooshe oo taniyo intii xilka laga qaaday deegaan ka dhigtay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa maalmahan ku sugnaa Adis Ababa.

Kulanka Cabdikariim Qalbidhagax iyo Sambalooshe ayaa looga gol lahaa in ay ka heshiiyaan waxyaabihii dhex maray, iyada oo wararka qaarna ay sheegayaan in maalmaha soo socda lasii daynayo maxaabiista siyaasadeed ee ku jira xabsiyada Itoobiya. Qalbi dhagax ayaa la filayaa inuu kamid yahay dadkaasi, waxaase warar kale tibaaxayaan inuu ka biya diidsanyahay in loo wareejiyo Jigjiga, isaga oo codsaday inuu iska joogo Adis Ababa inta laga dhameynayo wada hadallo haatan u socda ONLF iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale Hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la kulmay Qalbi Dhagax oo dagan guri Guest House ah oo uu ku yahay xabsi guri.

Haddaba Shabakadda Caasimadda Online ayaa baaritaan dheer ku sameysay sababta keentay inay labadaan Masu’uul kulamo la qaataan Qalbi Dhagax weliba waqti isku mid ah.

Waxaa jiro loolan adag oo u dhaxeeyo dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta  kaasoo gaaray halkii ugu sareysay kadib markii ay dowladda Soomaaliya la wareegtay lacag ay Imaaraadka kala soo dagtay garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa bilowday ololihii ugu xooganaa oo ay ku dooneyso inay ku disho sumcadda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Iyadoo halkaas ka duuleyso ayey Imaaraadka Carabta dhawaan dalkeeda kulamo kala duwan kula qaatay Axmed Madoobe iyo Sanbaloolshe si ay uga dhaadhacsiiso inay xoogga saaraan sidii loo soo deyn lahaa Qalbi Dhagax, waxayna tallaabadaas u aragtay inay tahay midda kaliya oo ay sumcadda kaga dili karto dowladda dhexe.

Axmed Madoobe iyo Sanbaloolshe ayaa lacago badan kusoo qaatay sidii ay dowladda Itoobiya uga dhaadhacsiin lahaayeen sidii xabsiga looga siideyn lahaa Qalbi Dhagax oo hore looga qabtay Magaalada Muqdisho.

Labadaan Mas’uul ayaa Qalbi Dhagax usoo bandhigay inuu la shaqeeyo dowladda Itoobiya isla markaasna laga sii daayo xabsiga.

Inkastoo aan la ogeyn haddii uu Qalbi Dhagax ka aqbalay arrintaas, haddana Axmed Madoobe iyo Sanbalooshe ayaa kulamo xasaasi ah la qaatay madaxda dowladda Itoobiya, waxayna hadda wadahadalada marayaan meel gebagabo ah, iyadoo ay macquul tahay in la sii daayo.

Qalbi Dhagax ayaa hore dhawr jeer u diiday inuu la shaqeeyo dowladda Itoobiya  lamana ogo haddii uu tan aqbali doono.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa usoo banaan baxday sidii ay cadaadiska ugu badin laheyd dowladda dhexe.

Waxaa jira tuhunno laga qabo in qorshihii lagu dhiibay Qalbidhagax inuu ahaa mid ay kasoo wada shaqeeyeen Dowladda Itoobiya iyo Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sambalooshe, iyada oo ay gadaal ka riixaysay Dowlad Imaaraadka Carabta oo adeegsanaysa Dowlad Goboleedka Galmudug.

Taliyihii hore ee Sirdoonka Qaranka Mudane Sambalooshe ayaa warbixintii ay Guddigii Barlamaanka ee loo xilsaaray kiiskan soo saareen sanadkii hore lagu sheegay inuu masuul ka ahaa dhiibista Qalbidhagax, xog khaldanna uu siiyay madaxda qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com