Dowladda federaalka oo loo heysto €90.6m, 6 markab ayuu dalabkoodu ahaa

Dukumentiyo la helay ayaa waxaa ku qoran in dowladda federaalka ah ay heshiis la gashay shirkadda AMOSC oo fadhigeedu yahay dalka Qubrus 2013-kii,  heshiiskan oo ku kacayey ilaa €132m ayey Soomaalida dalbadeen in ay helaan 6 markab oo kuwa roondada xagga badda ah, laakin markii shaqada inta badan la qabtay ayey Muqdisho heshiiska ka baxday taas oo keentay in shirkadda ay go’aansato inay dacwad furto.

Heshiikan 6da markab,  waxaa dowladda federaalka ah u saxiixay wasiirkii gashaandhigga Cabdixakim Xaaji Fiqi, waxaana goobjoog ka ahaa Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), shirkadda waxaa ay dhameysay shaqada 2 weji oo midkiiba ku kacayo €33m, xiriir badan oo ay dowladda la soo sameysayna waxaa ay sheegeysaa in aan looga jawaabin, oo ballantii looga baxay.

Atlantic Marine and Offshore Group (AMO) oo ah shirkad Hollandees ah ee iska leh AMOSC ayaa khamiistii sheegtay in ay dacwad ku furi-doonto dowladda federaalka ah kadib markii ay ku guuldareysatay in ay ka jawaabto qoraal digniin ah oo dhacayey March 28, 2018.

Warqadda digniinta ah  waxaa ay shirkadda soo dirtay March 13, 2018, shirkadda AMOSC waxaa ay dowladda federaalka ah ka dalbatay lacag dhan  €66 million iyo lagu daray €24.6 million oo dul-saar ah oo muddo lix sano ah, warqadda oo la soo mariyay safiirkeenna midowga Yurub  Dr. Ali Said Faqi waxaa gacanta laga saaray wasiirkii gashaandhigga Maxamed Mursal laakin kama jawaabin, sidaa darted waxaa dacwad laga furi-doonaa maxkamada Holland.

Shirkadda waxaa ay ku doodeysaa in heshiiska uu labo dhinac ahaa, sidaasi darteedna aaney ka bixi Karin dowladda federaalka ah, si qoraalkan jawaab looga helo.

Xigasho: Goobjoog