Dhismaha xarunta KMG ah ee BF oo ka billowday Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday xarunta Villa Hargeysa ee Madaxtooyada Soomaaliya dhismaha xarunta KMG ee Golaha shacabka uu loo diyaarinayo inay ku sii shaqeeyo Baarlamaanka inta laga dhisayo Xarunta weyn ee Golaha shacabka.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmmaan ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay Dhismaha lagu sameynayo xarunta KMG ee Golaha shacabka, isagoo kula dardaarmay howl wadeenada iyo Injineerada loo xil saaray dhismaha xaruntan in ay waqtiga loogu tala galay ku dhameeyaa dhismaha.

Xarunta maanta dhismaha lagu bilaabay ayaa ah Xarunta Villa Hargeysa waxayna noqoneysaa xarunta KMG ee golaha shacabka. iyadoo marka Baarlamaanka xaruntan loo raro kadib uu bilaaban doono dhismaha xarunta weyn ee Baarlamaanka oo Turkigu dhisayo.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu kulan la qaatay qaar ka mid ah Guddiyada joogtada ah ee Golaha shacabka,waxaana ay ka wada hadleen sidee ay Guddiyada ula shaqeyn lahaayeen Guddoomiyaha cusub.

Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka mid ahaa xubnaha maanta uu la kulmay,waxaana ay ka wada hadleen wada shaqeynta Guddoonka cusub iyo Guddiyada joogtada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com