Qarax lagu xiray gaari oo lagu dilay mid ka mid ah xubnaha jaaliyada Yemen ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax gaari oo ka dhacay meel aan sidaa uga sii fogeyn Isgoyska Maana booliyo ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa gaariga loogu xiray mid kamid ah xubnaha Jaaliyadda Yaman ee ku nool degmada Shibis, waxa uuna Qaraxa dhacay xilli uu ku sugnaa Maana booliyo.

Ruuxa Qaraxa loogu xiray Gaariga ayaa la sheegay inuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray Qaraxa, waxaana lagu magacaabi jiray Cabdala Axmed Cabdala Sheekh Nuur (Codey).

Marxuumka ayaa la sheegay inuu la shaqeyn jiray Wasaarada Beeraha Xukuumada Somalia, waxa uuna si dhow ula shaqeyn jiray Wasiir ku-xigeenka Wasaarada.

Sidoo kale, Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay Haweeney kamid aheyd dadka deegaanka oo Goobta Qaraxa mareysay.

Dhinaca kale, Qaraxaan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo lagu dilo ruux kasoo jeeda Jaaliyadda Yemeniinta eek u nool magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com