Kenya oo la safatay DF, una digtay Imaaraadka Carabta?

Nairobi (Caasimadda Online) – Wargeyska Daily Nation ee  ka soo baxa dalka Kenya ayaa warbixin dheer ee uu ka qoray Soomaaliya  waxaa lagu sheegay in Kenya ay ku war gelisay dalka Imaaraatka Carabta in ay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan Soomaaliya.

Warbixintan waxaa lagu soo hadal qaaday amarkii lagu joojiyey shir siyaasadeed uu ku qaban lahaa magaalada Nairobi siyaasi Cabdirixmaan Cabdishukuur, isagoona lagu tilmaamay mid ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee isbahaysiga la ah Imaaraatka.

Daily Nation oo xiganeysa Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegtay in hoggaanka dalka Kenya ay u arkeen shir siyaasadeedkas mid ka mid ah qorsheyaasha shisheeye ee ka dhanka ah Dowladda Soomaaliya.

Hordhaca warbixintan ayaa lagaga tilmaamay sida ay uga go’antaahy Dowladda Kenya iyo guud ahaan dowladaha Urur Goboleedka IGAD in ay garab istaagaan Dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo lagu tilmaamay mid xambaarsan hiigsiga kuu aaddan Soomaaliy xasilloon.

Ninka qoray Warbixintan oo lagu magacaabo AGGREY MUTAMBO ayaa ah khabiir ku takhasusay Xiriirka diblumaasiyadda iyo daraasaadka Caalamiga ah, isagoona muddo 10 sano kor u dhafeysa kaga qorayay arrinkan wargeyska ugu caansan dalkas Kenya ee Daily Nation.

Qoraaga ayaa sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu haatan si dhow u daneynayo xasilloonida Soomaaliya, maadaama uu u arko in ay asaas u tahay nabadda iyo xasilloonida Gobolka.

Warbixintan dib waxaa loogu xasuusiyey hadalkii Madaxweynaha dalka Kenya ee uu Baarlamaanka dalkiisa uu ka hor jeediyey “Gobolka Nabad noqon mayo inta Soomaaliya ay dhibaatadu ka jirto, qaar ka mid ah wakiillada ajnabiga ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa wiiqaya dowladnimada iyo wada jirka shacabka Soomaaliyeed.”

Inkastoo Madaxweyne Kenyatta uusan sheegin magacyada dowladaha Wakiilladas, haddana Wargeyska Daily Nation ayaa ka soo xigtay qaar ka mid ah diblumaasiyiinta la taliya Kenyatta in uu ula jeeday Waddmada Khaliijka oo dagaalkoodi u soo weeciyey Geeska Afrika.

Qoraaga Warbixinta ayaa ku sheegay hadalkan dagaal aan toos ahayn ee Dowladda Kenya ay ku qaadday dal heshiisyo la saxiixday Maamullada Puntland iyo Somaliland, heshiisyadas oo Kenya ay u aragto kuwo lagu wiiqayo Dowladnimada Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu yiri “ Waa markii ugu horeysay ee Kenya ay ka hadasho dagaalkan xoogga leh ee u dhexeeya awoodaha Khaliijka, oo uu hoggaamiyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ku hawlan qorsheyaal xeeladaysan oo loogu talagalay in ay hoos u dhigaan Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Farmaajo.”

Gaba-gabadii Daily Nation waxa ay sheegtay in Kenya ay galeyso dagaal diblumaasiyadeed oo ka dhan ah fara gelinta Imaaraatku ay ku hayaan Soomaaliya, iyadoona lagu wado in ay booqasho rasmi ah Nairobi ku yimaadaan Raiisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Jabuuti, si looga arrin sado mowqif mideysan oo lagu wajaho Imaaraatka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com