Shirkii Baarlamaanka Federaalka oo xarun Kumeel gaar ah ka dhacaya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo uu marki ugu horreysay Guddoominayo guddoomiyaha cusub Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulanka oo ah fadhigii 7aad ee kalfadhiga saddexaad ee Golaha shacabka Soomaaliya ayaa ajendhiisu yahay ka doodista iyo ansixinta Hab-maamuska Xeerka lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika.

Kulanka maanta ee Golaha shacabka waxaa soo xaadiray xildhibaanno dhan 140 iyadoo si dirqi ah loo helay Kooramnak, halka doorashadii Guddoomiyaha ee dhacday 30kii April ay fadhiyeen 266 Xildhibaan.

Golaha shacabka ayaa maanta ku shirkooda loo wareejiyay xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo ay si kumeel gaar ah ugu sii shaqeynayaan inta Xarunta Golaha shacabka oo dayactir lagu sameynayo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com