Wasiir Ducaale oo ka hadlay isbedelka amniga & Ciidamada laga raray gudaha magaalada

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Somalia Maxamed Abuukar Islow ‘’Ducaalle’’, ayaa ka hadlay amniga guud ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Ducaalle, ayaa sheegay in xiligaan uu aad u wanaagsan yahay amniga, waxa uuna tilmaamay in qorshaha hadda socdaa uu yahay mid lagu ballaarinaayo amniga Muqdisho.

Waxa uu sheegay Ducaalle in qeybo kamid ah magaalada hadda lagu sameeyay isbedel bilow ah, halka qeybaha harsan lagu sameyn doono isbedel muuqda.

Waxa uu tilmaamay in isbedelada socda uu yahay in la furay wadooyinkii xirnaa qaar ee caasimadda, Ciidanka Xasilintana ay hada ku sugan yihiin wadada Warshadaha ee Magaalada.

Ciidanka ammaanka ayuu faray in shacabka Soomaaliyeed ay si wanaagsan ula dhaqmaan, maadaama ay u adeegaan shacabka, taas bedelkeeda ayuu shacaba ka dalbaday in ay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidanka ammaanka.

Wasiir Ducaalle ayaa yiri “Waxaan furnay dhammaan Jidadkii xirnaa sida jidka Wadnaha, ilaa jidka Warshadaha ayaan geynay, ciidamada waxaan fariisimo uga sameynay goobaha aan is leenahay amni darro ayaa ka jirta’’

‘’Dadka shacabka ah waxaan uga mahadcelineynaa dulqaadka ay inoo muujiyeen, shacabka waxaan ka dalbanayaa in ay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidanka ammaanka, sidoo kale Ciidamada waxaan farayaa in ay u dhimriyaan shacabka.”

Haddalka Wasiir Ducaalle ayaa kusoo beegmaaya xili ciidamada Xasilinta caasimada 10-kii bishan la geeyay wadada Warshadaha halkaa oo loo dhigay dhagxaan waaweyn.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com