Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Digreeto kasoo baxday Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, halka Gudoomiyaha Cusub loo Magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin.

Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Waare iyo Gudoomiyaha Xil ka qaadista lagu sameeyay oo Soo jiitamayay Muddooyinkaan ayaa ugu dambeyn sababay in Xilka laga qaado.

Cabdullaahi Axmed Maalin oo ah Ninka loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa dhowr jeer isku dayay in uu qabto Xilkaan, waxaana kaga guuleystay Cali Jeyte Cismaan iyo Cabdifitaax Xasan Afrax.

Gudoomiye Maalin ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadanayay Madax katirsan Maamulka Hir-Shabeelle tan iyo markii uu soo baxay Khilaafka sababay xil ka qaadista Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte si uu markaan ugu guuleysto qabashada Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte ayaa xilkaan markale dib loogu soo Magacaabay 20-kii September sanadkii tagay 2017-kii kadib markii Madaxweyne Waare uu xilka ka qaaday Cumar Aadan Deeqow.

Halkaaan ka Aqriso Warqadda Digreetada:-