Xog: Muxuu salka ku hayey kulanka dhexmaray Keating iyo Al-Othmaani?

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia ayaa kulan khaasa magaalada Muqdisho kula yeeshay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM, Micheal Keating.

Kulanka Danjire Maxamed Axmed Al-Othmaani iyo Micheal Keating, ayaa salka ku hayay Siyaasada Imaaraadka kala dhexeysa Somalia, Khilaafyada isa soo taraaya ee labada dal, Amniga iyo Dhaqaalaha ay DFS ku qabatay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Danjire Al-Othmaani, ayaa Mr Micheal Keating uga faalooday sida uu ku socdo xiriirka labada dal, waxa uuna u carab dhabay inay jiraan Siyaasado isku khaldan oo u baahan in lagu xaliyo jawi degan.

Al-Othmaani waxa uu Micheal Keating u cadeeyay in dowlada Somalia ay mugdi sii galineyso xiriirka kala dhexeeya, waxa uuna carab dhabay inuu burburay Heshiisyo dhowr ah oo ay wada galeen.

Al-Othmaani, waxa uu sidoo kale Micheal Keating warbixino kooban kasiiyay lacagaha asbuucii tagay lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taa oo dowlada Imaaraadka ay dooneysay inay u adeegsato Mooshinka laga waday Jawaari.

Waxa uu sidoo kale Al-Othmaani u sheegay Mr Micheal Keating cawaaqibta Siyaasadeed ee iminka ka dhex aloosan Somalia iyo Imaaraadka Carabta, waxa uuna Ergayga gaarka ah ee QM Micheal Keating ballanqaaday inuu waxbadan ka bedeli doono dhammaan cawaaqibaha jira.

Micheal Keating, ayaa ka codsaday Dowladda Imaaraadka inay sii wadaan taageerada kala duwan oo ay siiyaan Dowlada Federaalka ah ee Somalia, waxaana soo dhaweeyay Al-Othmaani.

Sidoo kale, Al-Othmaani iyo Micheal Keating, ayaa isla fahmay inay muhiim tahay in xiisada hadda ka dhex jirta Somalia iyo Imaaraadka lagu xaliyo jawi degan oo aan abuureynin mushkilado kale oo hor leh.

Dhinaca kale, is araga Micheal Keating iyo Al-Othmaani ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dowlada Imaaraadka Carabta ay Dacwado ka dhan ah Somalia u gudbisay Jaamacada Carabta iyo Sacuudiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com