Sawirro: Sidee ayey u dhacday booqashada RW Kheyre ee Wasaaradda ..

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Caafimaadka, Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda.

Booqashada Ra’isul wasaaraha ayaa aheyd u kuur galida  howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo adeegyada Caafimaad oo ay siiso dadka shacabka.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa madaxda wasaaradda ka dhagaystay warbixinno ku saabsan sida ay wasaaradu u shaqayso, sidoo kalena wuxuu booqday dhammaan xafiisyada Wasaaradda.

Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu ku guda jiray booqashada bogaadiyay sida ay shaqada u wadaan howl-wadeennada Wasaaradda Caafimaadka taas oo ah, shaqo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

Ra’isul wasaare Kheyre, waxa uu kula dardaarmay maamulka iyo howlwadeenada Wasarada in ay balaariyaan howlahooda shaqo, si loo haqabtiro baahiya shacabka.