CIIDAMADA QALABKA SIDA: “Hal Bowle Ka Go’ay Qaranka Soomaaliyeed”

Muqdisho (Caasimada Online)- 12-ka Apriil oo ku asteysan maalintii la aasaasay cududka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kasoo wareegtay 58 sano ayaa waxaa qormadaan ku eegeynaa marxaladihii kala duwanaa ee ciidamadu soo mareen.

Sida la og yahay jiritaanka ciidanka Qalabka sida wuxuu heerkii ugu sareeyay gaaray markuu Taliyaha ahaa Allaha u naxariistee Gen. Daa’uud Cabdulle Xersi, waxayna soo dedejisay geeridiisii niyad jab ku yimid dhamaan ciidankii qalabka sida, kana wal walay cida ugu danbeyn doonta hoggaankiisii wanaagsanaa.

Saraakiishii kala duwaneyd ee ciidanka qalabka siday waxay geeridii Gen. Daa’uud ay ku noqotay falaar wadnaha la taagay, hase ahaatee Gen. Maxamed Siyaad Barre oo xiligaasi ahaa ninka ugu dhow hoggaankaasi tacsi u diray ehelka marxuumka iyo guud ahaan ciidamadii wuxuuna yiri ‘Ruushka waxaa ka dhintay Saaxiib wanaagsan, Soomaalidana wiil baari ah Seerjitana Aabaheed’.

Geerida Gen. Daa’uud waxay Maxamed Siyaad u aheyd fursad qaali ah oo uu ku soo gaaray mansabka dalka ugu sareeya ee Madaxweynenimada, markii la dilay Madaxweynihii xiligaasi C/rashiid Cali Sharma’arke 15-kii Oktoobar 1969-kii .Jaalle Siyaad iyo saraakiil kale oo ka agdhawaa waxay afgambi aan dhiig ku daadinin kula wareegeen hoggaanka dalka.

Maxamed Siyaad Barre oo aan sumcad wanaagsan ku dhex laheyn ciidamada dhexdooda ayaa dhegta dhiiga u jaray Salaad Gabeyre oo ahaa ninka ugu kartida badnaa ciidamada, ujeedada ka danbeysayna waxay aheyd in loo daneeyo Maxamed Siyaad oo heybad aan muuqan ku dhex lahaa ciidamada.

Ciidamada Milateriga oo ahaa awooda dalka iyo Afrika wuxuu lugta la galay siyaasadda iyo maamulka Dowladda, taasoo sababtay in dalka la geliyo marba xaalad aan loo baahneyn, waxaana laga xasuustaa  dagaalkii 77 oo hal guuto oo Milateriga xuduuda isla markaana miisaaniyada horumarinta dalka ay kaligood qaataan, waxaana xiligaasi kadib ciidankii u lugta la sii galay marxalad hor leh.

Inqilaabkii dhicisoobay ee uu abaabulay G/Sare Maxamuud Yuusuf Ciro 9-kii Apriil 1978-dii wuxuu sabab u noqday in ciidankii dhexdiisa qabyaalad toos ah lagu saleeyo hadey ahaan laheyd darajada ciidanka dhexdiisa, taasoo aakhirkii shacabka kalsoonidii ay u hayeen ciidanka ay noqotay mid burburtay, khilaaf mar walba soo noqnoqdana ku dhex abuurmay saraakiishii hoggaamineysay ciidanka sida khilaafkii Gen. Maxamed Cali Samatar iyo G/sare Shire Maxamed Siyaad.

Aakhirkii burburka Millaterigu wuxuu Gobolladii dhexe ee Soomaaliya ka fuliyey falal waxashnimo ah sida dil, dhac, kufsi iyo burburin loo geystay barkadihii biyaha ee dadka iyo xooluhu ka cabbi jireen, sidoo kale Gobolladii Waqooyi ee dalka ayaa muddadii uu kacaanku jirey oo dhan uu amar millateri saarnaa, dadkuna ay bartilmaameed u ahaayeen millateriga, iyadoo dagaal hubeysan oo cirka iyo dhulka ah lagu qaaday, loona soo kireystay duuliyayaal ajnabi ah oo calooshood u shaqeystayaal ah.

Burburkii Dowladdii Kacaanka kadib 1991-kii waxaa kala yaacay oo beelahoodii ku kala biiray ciidamadii qalabka siday iyo saraakiishoodii, waxayna qaarkood ay ka qeyb qaateen dagaal mindhicireedkii dalka ka dhacay iyo dagaaladii kale ee kooxaha siyaasadda dalka, kuwaasi oo qaarkood ku dhintay difaaca beelahooda, aqoontii ay dadka iyo dalka u barteen god ayey la galeen iyagoo caadifad qabiil difaacaya.

Waxaa kaloo xusad mudan Saraakiishii ciidan ee Alle ka badbaadiyay iney u dagaalamaan beelahooda oo si gardaran fikirkooda loogu dilay iyagoo qaarkood cibaadeysanayay.

Ciidamada Qalab Sida ee ahaa ishii laga riday Qaranka Soomaaliyeed waxaa xiligan hadii maanta sida tiir taagan ahaan lahaayeen in aan loo baahnaan laheyn ciidamo shisheeye oo nabad ilaalin u jooga xiligan Soomaaliya, lagana maarmi lahaa howshooda.

Waxaase soo muuqda ifafaale nabadeed oo dib loogu unkayo awoodii ciidan ee xoogga dalka Soomaaliya, balse u baahan kartidii iyo waaga aragnimadii sida Gen. Daa’uud Cabdulle Xersi oo geeridiisa niyad jab ku noqotay ciidamadda qalabka sida, kuwa maanta hoggaanka u haayana waxaan ka rajeynayaa in ay fiiriyaan wadadii Allaha u naxariistee Gen. Daa’uud.

Ciidamadda Xoogga dalka, Booliska, Nabadsugida iyo qeybaha kale ee amni ilaaliyaasha  waxaa la gudboon iney ka dhowrsadaan u adeegida cid kasta oo wax u dhimeysa qaranimada Soomaaliya, Hambalyo sanad guurada aas-aaska xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ali Muhiaddin Ali
facebook.com/sheekha2

muxiyaddiin@hotmail.com