Wasiir Faarax: Wasaaradda markii aan tagay waxaa ku sigtay inaan isaga cararo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed oo Ka qeyb-galay munaasibada xuska maalinta Macalinka Soomaaliyeed, ayaa markii u horeysay ka sheekeeyay xaaladihii ku gadaamna wasaarada markii uu yimid.

Wasiir Faarax ayaa sheegay in markii uu Wasaaradda Waxbarashada yimid uu ku sigtay in uu ka cararo kadib markii uu arkay xaalado adag oo ka jiray, hase yeeshe uu go’aansaday wajihida dhibaatada taagan iyo wax ka qabashadeeda.

“Markii aan tagay Wasaaaradda ee aan culeysyada fiiriyay inta ay le’eg yihiin waxaa ku sigtay in aan iskaga cararo laakiin waxaan go’aan ku gaaray aniga oo kaashanaya xukuumadeena, bahda waxbarashada qeybaheeda kala duwan iyo bulshada Soomaaliyeed in la wajaho mushkilada dhabta ah ee ina haysata. Jid aan waxbarasho aheyn oo aan dhibaatada uga bixi karno haba-yaraate inaysan jirin ayaa xaqiiqsanay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu dadaal badan galinayo tayada waxbarashada Soomaaliyeed, taasi oo uu sheegay inay muhiimad gaar ah siineyso xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Aniga oo ka turjumaya barnaamijka xukuumadda Dan-Qaran waxaa hadaf ka dhiganay in culeys kasta oo Waalidka Soomaaliyeed ka saaran waxbarashada in laga qaado intii laga qaadi karo.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa inoo cadaatay jidka kaliya ee xaalada Waxbarashada wax looga badali karo ay tahay in Macalinka la tayeeyo, in la doono in qiimo loo yeelo. Muddo yar ayaa joogna laakiin jidkii waxaa lagu qaban lahaa ayaa inoo cad, jidkaas oo ah in Macalinka tababrkiisa xoog la saaro kadib la shaqaaleeyo oo la horumariyo, meeshaas weeyi meesha ay diirada noo saaran tahay.”

Ugu dambeyntiina wuxuu uga mahad-celiyay guud ahaan bahda Waxbarashada is-xilqaamka weyn ee ay sameeyeen mudadii lasoo dhaafay, isaga oo ku bogaadiyay kaalintii ay ka qaateen gurmadka qaraxyadii lagu hoobtay ee Zoobe 2.