LAFTA-GAREEN oo jawaab kasoo saaray BAAQII kasoo baxay Aadan Madoobe

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa soo dhaweeyay baaqii uu dhawaan u jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Aadan Madoobe oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa dhawaan iclaamiyey shir guud oo looga arrinsanayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, taas oo ka dhalatay muddo kororsi uu sameystay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu soo dhaweynayo baaqa Guddoomiyaha, ayada oo la xeerinayo mudnaan siinta danaha Koonfur Galbeed.

“Ayada oo la tixgelinayo kacdoonka Shacabka, laguna dagaalamayo kooxda argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab oo ay hogaaminayaan ciidamada xooga dalka iyo ciidamada daraawiishta DKGS si looga ciribtiro dalka iyo dibadada,” ayaa lagu yiri qoraalka oo lagu sheegay arrimaha mudnaanta u leh maamulka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha aqbalay baaqaan ayada oo la xaqiijinayo guulaha dhismaha dowladnimadeena ay lagama maarmaan u tahay midnimada shacabka, sida lagu sheegay qoraalka.

“Xafiiska Madaxweynaha waxaa uu soo dhaweynayaa baaqii uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku baaqay, wakhtiga shirka u furmaayo waan idinla soo wadaagi doona.”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa hore ugu baaqay dhinacyada isku hayo Koonfur Galbeed iyo bulshada rayidka ah inay kasoo qayb-galaan shirkaas oo looga arrisanayo masiirka maamulka.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhexeyso madaxtooyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay, kadib muddo kordhin labo sano ah oo loo sii sameeyey Lafta Gareen.