DF oo ka shaqeynaysa QORSHE sanadka 2023 looga qaadayo xayiraad saaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse oo wada qorshe ay dowladda ku dooneyso in looga qaado cuna-qabateynta hubka ee saaran sanadka 2023-ka ayaa magaalada Dublin ee dalka Ireland kula kulmay wasiirka arimaha dibadda iyo difaaca ee dalkaasi, Simon Coveney.

Kulanka labada masuul ayaa waxaa looga wada-hadlay iskaashiga ka qaadista cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya 2023, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankaan.

Sidoo kale waxa kulankaan diirada lagu saaray taageerada Soomaaliya ee ku aaddan xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee doorashada June 2024.

Ireland oo kamid ah dalalka xubnaha ka ah golaha ammaanka ayaa sidoo kale waxay madax u tahay guddiga cuna-qabateynta ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Daba-yaaqadii toddobaadkii hore ayey aheyd markii golaha ammaanka uu muddo hal sano ah ku kordhiyay cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya, kadib markii dalal badan ka codeeyeen rabitaankii dowladda ee aheyd in meesha laga saaro xayiraadaas.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dooday in cuna-qabataynta hubka ay caqabad ku tahay dadaalada dib loogu dhisayo ciidamada qaranka iyo kuwa amniga si looga hortago khataraha argagixisada.

Waxaa xusid mudan in qaraarka Golaha Ammaanka QM lagu cadeeyay in cunaqabataynta hubka aysan khuseyn keenista hubka iyo agabka ciidan, ama bixinta talo farsamo, dhaqaale, kaalmo kale, iyo tababarada militari ee loogu talo-galay horumarinta hay’adaha amniga iyo booliska Soomaaliya, si loo sugo amniga dadka iyo dalka.

Inkasta oo aan xayiraadda la qaadin, haddana qaabka loo dhigay iyo ogolaanshaha la siiyey dowladda federaalka iyo dalalka iyo ururada taageera ayaa ah guul weyn ah, marka loo eego go’aamadii hore.