Ciidamada DF oo howlgal ku dilay Cali Garweyne iyo Axmed Moorogaabey

Xudur (Caasimada Online) –  Wararka laga helayo gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay howlgal si wadajir ah uga fuliyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shbaab oo ay weerar ku qaadeen ciidamada huwanta.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde, Mudane Cumar Cabdiraxmaan oo la hadlay waraabhinta ayaa ka warbixiyey howlgalkan, wuxuuna sheegay inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Dhursheen Shabeelle oo hoostaga degmadaas, sidoo kle35 KM u jira Xuddur.

Cumar Cabduraxmaan ayaa xaqiijiyey in howlgalkan lagu khaarijiyey laba sarkaal oo ka tirsanaa Shabaab, laguna kala magacaabi jiray Axmed Moorogaabey iyo Cali Garweyne.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in kooxda Al-Shabaab ay u qaabilsanaayeen aruurinta lacagaha ay ugu yeerayaan Zakawaatka oo ay ka qaadi jireen dadka deegaanka.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka degmada Ceelbarde ayaa hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda nawaaxiga degmadaas oo ka tirsan Bakool.

Inta badan gobollada dalka ayaa waxaa ka socdo guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dadka deegaanka ee hubka qaatay.