Wasiir Fardowsa oo looga yeeray BF kadib fadeexaddii ka dhacday garoonka

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Maxaed Cigaal, kadib markii ay fadeexad ka dhalatay lacag sagaal dollar si sifo sharci darro ah loogu rogay shacabka.

Qoraal kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu wargeliyay dhammaan xildhibaanad kulankan oo berri dhacaya, isla markaana su’aallo looga wayediin doono dhacdadaasi Wasiir Fardowsa Maxamed Cigaal.

“U yeerid iyo hor imaasho Golaha guud ee Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda JFS iyo jawaabidda su’aallo ordaaheedyo sida uu qabo qodobka 69/2 ee dastuurka KMG iyo qodobada Xeer hoosaadka 53/1, 63.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Arrintaan ayaa saameyn ku yeelatay duulimaadyada gudaha (Local) ee garoonkaAadan Cadde, iyada oo shacab fara badan ku xanibmeen garoonka qeybta Local-ka.

Muranka ugu weyn ayaa u dhaxeeyay wasaaradda gaadiidka iyo shirkaddaha diyaaradaha oo ku saabsan in lacagaha xogta rakaabka lagu kordhiyo qiimaha Ticket-ka iyo in aan lagu kordhin, ayada oo xogta dadka dhoofaya loo dhiibayo shirkad gaar ah, taasi oo iyaduna aad uga soo horjeeda nidaamka amniga iyo kalsoonida dadka dhoofaya.

Sidoo kale Arrintan ayaa ka dambeysay markii shirkad lagu magacaabo Hornlink la soo kordhiyay, taasi oo nidaam cusub oo ay leedahay lagu shubayo xogta muwaadiniinta ka dhoofeysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shirkaddan oo ganacsato leeyihiin ayay wasaaradda gaadiidka qandaraas ku siisay inay uruuriso xogta rakaabka raacaya diyaaradaha, taasi oo lacag dheeraad ah kusoo dalacday rakaabka.

Intaasi kadib ra’iisul wasaaraha ayaa deg-deg arriintan usoo farogeliya, isaga oo booqday gudaha garoonka, kadibna amray in la joojiyo qaadista lacagahaasi muranka keenay.

Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu intaasku ku daray in dowladdu ay ka xuntahay dib u dhaca iyo culeyska ku yimid safaradooda, isaga oo ballanqaaday in arrintan oo kale aanay dib u soo laaban doonin.