Sawirro: Wasiir FIQI oo ku dhowaaqay tallaabo ay qaadeyso DF oo la xiriirta…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweyne muhiim ah, kaas oo ku saabsan xoojinta xiriirka wada-shaqeynta bulshada rayidka ah bahda ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aadan geedi socodka nabad dhiska Soomaaliya.

Fiqi oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa marka hore soo saaray farriin la xiriirta gurmadka abaaraha, isaga oo ku baaqay in la caawiyo dadka ay saameeyeen abaaraha.

“Waxaan ugu baaqeynaa dadka ay abaaraha heyso, ganacsatada waan is aragnay, jawaab ayaan ka sugeynaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka dowlad ahaan ay sameyn doonaan sidii loo dhisi lahaa kalsoonida shacabka, si loo helo jawi dadan oo lagu wada shaqeyn karo.

“Waxaa jira kalsooni darro ka dhalatay dagaalladii sokeeye dalka ka dhacay, si taas wax looga qabto xukuumadda dan qaran tiirkeeda 3-aad waa kalsooni dhisid, waxaa halkudheg u ah  SOOMAALI HESHIIS, DUNIDA HESHIIS LA AH, shirkan maanta aan fadhinno waa astaan Soomaali heshiis ah, heshiiskeeda ay Soomaali wado” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta dagaal beeleedyada soo laa laabtay, wuxuuna ballan qaaday in wasaaraddu ay sameyneyso dib u heshiisiin.

“Waxaan ka shaqeyneynaa hindiso la xiriira joojinta colaadaha deegaanka iyo daaqa ku saabsan, lagana shaqeeyo nabad dhis iyo dib u heshiin laga shaqeeyo” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayadoo haatan xaalado is biirsaday ay ka jiraan Soomaaliya, sida abaaraha, howlgalada ka dhanka ah Shababa & dagaal beeleedyada soo noq noqday.