Taliye ku-xigeenkii NISA oo shaaciyey laba sabab oo keenay kacdoonka shacabka

Beledweyne (Caasimada Online) – Cabdisalaam Guuleed oo ah taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya (NISA) ayaa sheegay inay jirto laba sabab oo keenay in shacabku sameeyaan kacdoon ka dhan ah kooxda Al-Shabaab. 

Cabdisalaam Guuleed ayaa aamisan in Al-Shabaab oo shantii sano ee la soo dhaafay “xadkii dhaafisay cadaadiska ay dadka ku hayso” ay ugu wacan tahay arrintan. Wuxuu tusaale u soo qaatay “canshuuraha iyo culeyska saa’idka ah ee kooxdaas” ay noqdeen arrimo ay dadku xamili waayeen. 

Waxaa intaas dheer lacagaha iyo xoolaha nool ee ay ka qaadaan shacabka iyo in qoysaska ay ka dalbadeen wiilashooda in si khasab ah ay uga mid noqdaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida uu sheegay Cabdisalaam, taas oo ay dadku ka gadoodeen. 

Tan iyo markii uu madaxweynaha Soomaaliya la wareegay xilka wuxuu muujiyay in ay ka go’an tahay dowladdiisa inay garab ku siiso shacabka sidii ay deegaannadooda uga xoreyn lahaayeen Al-Shabaab, taas oo uu Cabdisalaam u arko arrin kale oo dhiirrigelisay maleeshiyaadka qabaa’ilka. 

“Waa taas sababta geesinnimo-gelisay dadka, islamarkaana keentay inay ku kalsoonadaan inay awood u leeyihiin la-dagaallanka Al-Shabaab,” ayuu yiri.  

Xildhibaan Cabdimaalik Cabdalla oo ku sugan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah meelaha uu abaabulka dagaal ka socdo ayaa isna ka hadlay sababta hadda keentay in ay shacabku hubka qaataan si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab.

“Maaddaama degmooyinkan ay go’doonsanaayeen muddo 13 sano ah, dadkii ayaa daalay, dadku nolol ayay rabaan, carruurtoodii ayaa la laayay, xoolahoodii ayaa la dhacay oo la leeyahay waxaa loo qaatay ‘sako’, marka kacdoonka halkan ka dhacay waa kacdoon shacab oo ay dowladdu hoggaamineyso.

Wuxuu sheegay in ay rajo fiican ka qabaan, kuna faraxsan yihiin garab istaagga dowladda. 

“Runtii aad ayaan ugu faraxsannahay garab istaagga dowladda, waana aaminsan nahay inay wax badan soo kordhinayaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdimaalik.

Waxa uu meesha ka saaray in hubka ay isticmaalayaan dadka shacabka ah uu dhibaato keeni karo xitaa haddii ay guuleystaan.

“Dadkan horay ayey u hubeysnaayeen, cid ay khatar ku ahaayeenna ma jirto, tanina micnaheedu ma aha in dowladdu ay hubeyneyso maleyshiyaad ama beelo gaar ah. Hal beel ma aha waxa ka dagaallamaya meeshan, waa dadkii deegaanka oo ugu talogalay inay isxoreeyaan, dowladdana uma maleynayo inay dhibaato kasoo gaareyso haddii ay garab istaagto,” ayuu yiri. 

Howlgalladan oo uu ku tilmaamay kuwo uu noocoodu dhif yahay ayuu Cabdisalaam sheegay in ay dadku walaac ka muujinayaan sida ay ku dhamaan karaan, inta ay sii socon karaan howlgallada ay maleeshiyaadka qabaa’ilku hoggaaminayaan iyo sida ay awood ugu sii yeelan karaan sii wadistooda.

“Dadku waxay aad isu waydiinayaan haddii sidaan la sameyn karay maxay muddadaas oo dhan u qaadatay?,” ayuu iswaydiiyay.