Wasiir GOODAX BARRE oo shaaciyey mowqif cusub oo ku aadan ardeyda Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha wasiirka waxbarashada Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa dabacsanaan badan ka muujiyey mowqifkiisi adkaa ee shahaado siinta ardeyda Puntland, xili uu ka qeyb-galay barnaamijka Dooda ee telefishanka Universal.

Goodax Barre ayaa sheegay mowqif ka gedisan midkii hore ee uu sheegay, kaasi oo ahaa in ardeyda Puntland aysan heli doonin shahaadada federaalka ilaa inta ay galayaan imtixaanka qaranka.

Wuxuu sheegay in ardeyda Puntland ay siin doonaan shahaado gaar ah oo ka duwan mida hadda, taasi oo ay ugu tala-galeen maamulada dalka oo ay kamid tahay Puntland.

Goodax ayaa carabka ku adkeeyay in ardeyda Puntland ay heli doonaan shahaado, isagoona sheegay in arday reer Puntland ay sanadkan galeen imtixaankii ay qaaday wasaaraddu.

“Puntland waxaad moodaa wadanka qaanada uu ku jiro in ay ku jiraan, marka la isku celceliyo 60 illaa 70 ayay ku baaseen, hal gabar oo reer Goldogob ah iskuul ku yaala Goldogob ayaan tobbanka soo gashay” ayuu yiri.

Wuxuuna intaas kusii daray “Wasaarada hadda cabir fiican ayay ka haysataa ardayga Puntland jooga heerka uu joogo, maxaa yeelay lambar illaa 600 ku dhow ayaa Imtixanka galay, intaas shahaado waa helayaan”

“Hadii Puntland ay yiraahdaan shahaado federaal ah ayaan rabnaa oo annaga aan dadkeeda sheegnay waa la siinayaa, laakiin mid ka duwan taasaa la siinayaa oo calaamad gaara leh iyo inay ka duwan tahay [ka muuqato]” ayuu sidoo kale yiri.

Wuxuuna ugu dambeyntii si cad u sheegay in waxbarashada ay gacanta ku haynayso dowladda dhexe, balse ay ka wasaarad ahaan hadda ogol yihiin inay u madax baneeyan Puntland inay bixiso shahaado gaar ah oo federaalku aqoonsan-yahay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shahaadada hadda la bixiyo nooceeda tahay waa taqaanaan, shahaadadaan haddey cagaar tahay mid gaduudanaa la siinayaa oo la leeyahay shahaadadan Puntland ayaa darajooyinkaan sameysay oo iska leh, waa haddey rabaan wax federaal ka yimid, laakiin haddey rabaan shahaadaas ardeygaas shaqeeyay waa in ay Imtixaanka galaan”.

Maamulka Puntland ayaa hore u diidey ka qeyb-galka Imtixaanka qaranka, iyada oo dhawaana shaki weyn ka muujisay awoodda wasaaradda ee qaadista imtixaanka qaranka, xili uu humaag badan ka muuqday natiijadii sanadka ay shaacisay wasaaraddu.