Maxaa ka dhaxeeya qoraalka Mareykanka iyo shaqo ka joojintii lagu sameeyey taliyaha ciidamada Danab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay xalay soo saartay ku sheegtay inay taageereyso dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga Soomaaliya, taasi oo ay sheegtay inay mustaqbal ifaya u hogaamin doonto Soomaaliya iyo Soomaalida, balse ay kaga digtay qaraabo-kiilka iyo musuq-maasuqa.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay taageereysaa dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga taasi oo mustaqbal ifaya u hogaamin doonta Soomaaliya iyo dhammaan Soomaalida. Musuq-maasuqa iyo qaraabo kiilka waxay dib u dhigaan horumarka isbedellada, waxay waxyeeleeyaan amniga shacabka Soomaaliya, waxayna xoojiyaan cadowga Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qoraalka Mareykanka uu la xiriiro shaqo ka joojin uu taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneral Odowaa Yuusuf Raage uu ku sameeyey taliyaha ciidamada Danab ee Soomaaliya Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, taasi oo Mareykanka uu ka xumaaday.

Ma cadda sababta shaqada looga joojiyey taliye Ismaaciil, hase yeeshee dhawaanahaanba taliska xoogga dalka ayaa sameeyay is-badallo u muuqda in meesha looga saarayey dhalinyarada joogo hoggaanada Ciidamada xoogga dalka “ee aan la isku hubin”, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah.

Gaashaanle Ismaaciil ayaa sidoo kale lagu tirinayaa inuu si aad ah ugu dhowaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay isku beel yihiin, inkasta oo la sheegay in taliyaha uusan wax qabyaalad iyo xulufeysi shaqo ku lahayn oo uu shaqadiisa un ku eg yahay.

Mareykanka ayaa la rumeysan yahay inuu ka xumaaday shaqo joojinta gaashaan Ismaaciil, oo dalka Mareykanka wax kusoo bartay, sidoo kalena shaqo wanaagsan ka qabtay ciidamada Danab.

Dhinaca kale la-taliyaha Amniga Qaranka Cabdisaciid oo qoraal u muuqday mid jawaab ah ku soo qoray bartiisa Twitter-ka ayaa soo dhoweeyey taageerada beesha caalamka, balse dalbaday in Soomaalida lala tashado.

“Waxaan ka mahadcelineynaa taageerada joogtada ah ee aan ka helayno Saaxibadda Caalamiga, waxaana aaminsanahay inay door muhiim ka ciyaari karaan horay u socoshada. Hay’adaha Soomaaliyeed waa in lala tashadaa oo ay si firfircoon uga qayb qaataan dejinta, hirgelinta iyo gaarsiinta dhammaan arrimaha muhiimka ah ee amniga la xiriira,” ayuu yiri La Taliyaha Amniga Qaranka.