Wasiir Goodax Barre oo qirtay in uusan ka war-qabin imtixaankii dugsiyada sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre oo u warramayey Telefishinka Universal ayaa ka jawaabay hadalkii madaxweynaha Puntland ee ahaa in uusan ka war-qabin natiijada imtixaankii dugsiyada sare oo ay badi ku dhaceen ardayda magaalada Muqdisho.

Goodax Barre ayaa qirtay eedaasi, wuxuuna sheegay in isagu aysan aheyn in uu ka war-qabo imtixaanka, balse ay wasaaraddu u xil-saartay macalimiin gaar ah.

Illaa 83 Macalin ayuu sheegay in wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ay uga wakiil ahaayeen imtixaanaadkaasi, kuwaas oo shaqada qabtay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in iyagu doorkoodu ka wasaarad ahaan uu ahaa koontarool iyo inay dusha guud lagala socdaan.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweyne Siciid Deni uu iska hadlay, islamarkaana uusan daneynin hadalkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Aniga shaqsiyaadka natiijadooda waxba igama quseeyaan oo macalimiin ayaan u xil saaray, madaxweynaha Puntland waa nin iska hadlaayo oo aniga hadalkiisa maba daneeyo ayuu yiri.” ayuu yiri sii hayaha xilka wasiirka waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay dood badan ka timid natiijadii ay shaacisay wasaarada waxbarashada, kadib markii imtixaankii sanadkan ay ku dhaceen 8,550 oo arday ah, kuwaas oo badan kood ku sugan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.