25.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Wasiir hore Cabdi-Saciid oo DF ku eedeeyey in ay dalka oo dhan ku wareejisay dal kale

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee xiligii Farmaajo, Cabdi-saciid Muuse Cali, ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ui dalka dhan ku wareejiyey dowladda Turkiga.

Sidoo kale, Cabdi-saciid ayaa sheegay in Dowladda Xasan Sheekh kaliya aysan saxiixin heshiiska shidaalka ee Turkiga, balse ay ka tanaasushay Qaranimadii Soomaaliya.

“Hufnaanta iyo daahfurnaantii, hadda oo heshiiskii bannaanka u soo baxay, runtu waa caddahay,” ayuu yiri Cabdi-Saciid.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ayaa qoraalkaan soo dhigay bartiisa X, wuxuuna sheegay heshiiskani uusan aheyn wax isku darsi ee uu yahay la wareegidda awdoodii dalka.

“Heshiiska waa in la hakiyaa, Baarlamaanku waa inuu baaraa, waa inay hadlaan dowladaha federaalka xubinta ka ah iyo guud ahaan adka Soomaaliyeed, waa inay ogaadaan waxa laga qariyey,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdi-saciid Muuse Cali, ayaa sheegay  Turkigu ay halkaan u arkaan wadankoodii iyo shidaalkoodii, “Maaha wax la kala iibsanayo ogolaansho la’aan,” ayuu ku soo gabagabeeyey qoraalkiisa.

Warar badan oo been abuur u badan ayaa maanta laga faafiyey heshiiskaas ku saabsan baaritaanta iyo qoditaanka shidaalka Soomaaliya, kaas oo baarlamaanka Soomaaliya uu horay u ansixiyey, maantana waxaa ansixiyey baarlamaanka Tirkiga.

Shidaalka Soomaaliya waxaa leh Soomaaliya — Tan waa qodobka ugu muhiimsan

Heshiisku si cad ayuu u qeexayaa in shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee ku jira dhulka iyo badda Soomaaliya ay yihiin hanti qaran oo ay leeyahay shacabka Soomaaliyeed. Heshiiskani wax isbedel ah kuma keenayo lahaanshaha kheyraadka dalka.

Turkiga ama shirkad kale looma siinin xuquuq lahaansho shidaalka. Turkiga waxa uu kaliya yahay shirkadda fulinaysa hawsha sahminta iyo soo saarista, balse ma laha wax xuquuq ah oo ku saabsan hantida shidaalka. Lahaanshuhu wuxuu weli si buuxda ugu jiraa gacanta Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News