Wasiir Juxa maku guuleysan doonaa inuu Dowladda dhexe xal uga keeno doorashada Galmudug?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay dhawaan gaaraan Magaalada Cadaado iyadoo uu ujeedku yahay in xal waara laga gaaro doorashada Galmudug.

Wasiir Juxa oo ah nin oday ah kuna fiican dhex dhexaadinta ayey dowladda Soomaaliya u garatay inuu wadahadal la galo Maamulka Galmudug iyo Xildhibaanada Baarlamaanka si looga dhaadhacsiiyo in dib loo dhigo doorashada Galmudug sida uu markii horeba codsaday Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Inkasto ay xildhibaanada iyo guddiga Doorashada Galmudug horey u diideyn inay dib u dhigaan waqtiga Doorashada, haddana wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa ayaa lagu tilmaamay inuu yahay shaqsi qibrad u leh  ka dhaadhacsiinta iyo dhex dhexaadinta waxaana laga rajeenayaa inuu xal waaro halkaas ka keeno.

Wasiirka ayaa la filayaa inuu halkaas kulamo kula qaato Guddoomiyaha Baarlamaanka, ku xigeenkiisa, Xildhibaanada iyo Odayaasha Maamulka Galmudug, wuxuuna si sharaf leh uga codsan doonaa in doorashada dib loo dhigo, lana qaato talada dowladda Soomaliya ee ah in maamulka laga qeybgeliyo Ahlu Sunna Wal-Jameeca oo markii hore qaadacday doorashadii Cabdikariin xuseen Guuleed oo xilkaas dhawaan iska casilay kadib markii ay soo wajahday Xaalad Caafimaad.

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socoto qaban qaabada safarka wasiirka Arrimaha gudaha iyo wafdigiisa, waxaana lagu waday inuu maanta ka dhoofo Muqdisho balse wuxuu safarkiisa u baaqay arrimo xagga farsamada ah, waxaana la rajeenayaa in dhawaan uu halkaas wajihi doono.

Wixii warar ah ee kusoo kordha safarka wasiirka Arrimaha gudaha waan idinla socdosiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com