Madaxtooyada Somalia oo lagu soo kordhin doono arrin cusub oo aysan sameyn dowladihii hore

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda cusub ee uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa madaxtooyada Soomaaliya kusoo kordhin doonto arrin aysan sameyn dowladihii sanadihii dambe soo maray Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii u horeysay yeelan doonta Wariye gaar ah oo aan ka howl gelin Idaacadda iyo TV-ga Dowladda, waxayna shaqadiisa ahaan doontaa inuu kasoo waramo madaxtooyada iyo marka uu safari aado Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Arrintaan cusub ayaa waxaa keenay qeybta warbaahinta Madaxtooyada waxayna ula jeedaan in dib u habeyn lagu sameeyo warbaahinta Madaxtooyada si ay dowladihii hore wax uga duwanaadaan.

Wariyahaan loo sameenayo Madaxtooyada ayaan ka shaqeyn doonin Idaacadda iyo TV waana shaqsi laga keeni doono meel ka baxsan warbaahinta Dowladda, wuxuuna kaliya kasoo hadli doonaa arrimaha madaxtooyada u gaarka ah.

Dhaliilo iyo shaki laga muujiyey kadib wariyihii SNTV u qaabilsanaa Madaxtooyada ayaa soo  gudbiyey ruqsad, waxaana xusid mudan in dowladihii hore ay wararka u diri jireyn wariyayaal ka tirsan Idaacadda iyo TV-ga qaranka.

Tallaabadaan cusub ayaa la qiyaasi karin saameynta ay ku yeelan karto shaqaalihii warbaahinta dowladda ee markii hore la shaqeyn jiray dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com